DHEGEYSO-Faahfaahin Ka Soo Baxaysa Qarixii Kadhacay Afaafta Dekedda Muqdisho.

December 11 2016 (Puntlandes)-Qaraxa ayaa waxaa loo adeegsaday Gaari laga buuxiyay waxyaabaha qarxa, goobjoogayaal ayaa saxaadda u sheegay in qaraxa uu dhacay xili dadka isku diyaarinayeen shaqada Dekedda iyo dhaqdhaqaaqa Ganacsi ee ka socday agagaarka Dekedda magaalada Muqdisho.

Goob jooge kusugnaa agagaarka dekedda magaalada Muqdisho ayaa sheegay in indhihiisu uu ku arkay dhaawacyo sababay qaraxa oo lagu sii wado gaadiidka gurmadka deg deg ah.

Sidoo kalena goob joogaha ayaa waxa uu intaas ku daray in ciidamada amaanka durba ay isku gadaameen goobta,islamarkaana ay kala ceyriyeen dadkii goobta ka agdhawaa.

DHEGEYSO

About The Author