Khaliif Ciise Mudan oo War-saxaafadeed ka soo saaray: Xaaladda Puntland & Mustaqbalka

War-saxaafadeed

October 08, 2014

Ku:       Saxaafadda madax-bannaan ee Somaliya iyo Caalamka

Og:      Xukuumadda Puntland

Og:      Xukuumadda Federaalka Somaliya

Og:      Wakiiladda Beesha Caalamka

Uj:       Xaaladda Puntland iyo Mustaqbalka

437

Allah baa Mahad leh.

War-saxaafadeedkaan wuxuu ku saabsan yahay xaaladaha ka jira gobollada Puntland tan iyo doorashadii January 2014. Xukuumadii horre ee Madaxweyne Farole waxay dalka uga tagtay waxqabad la taaban karo, doorasho xalaal ah, xilkiina ku warayjisay si waafaqsan shuruucda dalka kuna salaysan sharaf iyo ixtiraam, sidii Xukuumaddii ka horaysay. Sidoo kale, Xukuumadii horre wax gorgortan ama dowlad-wadaag (coalition government) kuma gelin dhismaha Xukuumadda Madaxweyne Gaas. Doorashadii kadib, Madaxweynihii horre wuxuu yiri: “Waxaa innaga dhaxeeya waa dadka iyo dalka.”

Xukuumaddan waxay ballanqaaday arrimo badan, laakin waxaa soo muuqanaysa inuu jiro mowqifyo iyo siyaasaddo iskhilaafsan, jahwareer iyo habacsanaan maamul, khataro amni, iyo in lagu socdo dariiq liddi ku ah barnaamijyada Xukuumada xilka haysa iyo waxqabadkii horre.

Waxaa nagu kalifay qoraalkaan mas’uuliyadda dalka naga wada saaran iyo markaan aragnay: cabashooyinka shacabka; dhaliisha waxgaradka; welwelka amniga; hoos u dhaca dhaqaalaha; maamul xumada; iskuxirnaasho la’aanta Golayaasha Dowladda; siyaasadda iskhilaafsan ee arrimaha federaalka; iyo hoos u dhaca maqaamka iyo miisaanka Puntland. Markii la eego Dunida hormartay, waxaa xusid mudan inay doorka mucaaradnimo ay qabtaan hadba xisbigii xilka ka degay, sababtoo ah mas’uuliyiintaas ayaa la socday xaaladaha kala duwan ee dalka, iyaga ayaanna iftiimin kara hadii lagu socdo dariiq ka baxsan horumarinta dalka.

Anagu waxaa inoo qorshe ah ilaalinta nabadda, midnimada iyo horumarka Puntland iyo guud ahaan Soomaliya, qoraalkaanna waa isxasuusin, iftiimin, wax toosin iyo talo soo jeedin, kamana shaqayno kicinta bulshada, hanjabaadda iyo been abuuridda. Muddo 9-bilood ah ayay Xukuumaddu xilka haysaa, waana muddo kooban markii loo eego mudada xilka loo doortay, laakin waa muddo lagu qiimeyn karo dariiqa lagu socdo. Waxaa la ogsoonyahay inuu shacabka iyo waxgaradka guud ahaan la gaabsadeen guuxooda, hadaba, waxaanu qiimeynaynaa siyaasadihii iyo dhacdooyinkii bilihii la soo dhaafay, sidda:

Amniga Puntland

·       Guud ahaan, amniga gobollada Puntland wuu xasiloonyahay, dadka ayaana ilaashada deegaankooda iyo dowladnimada. Mabda’iyan waanu soo dhoweynaynaa dadaallada xoojinta amniga ay Dowladdu wado.

·       Allaha u naxariistee, waxaa dilal kala duwan ku yimid sadax sarkaal oo ka tirsanaa ciidamada Darawiishta iyo Booliska Puntland oo lagu dilay Gobolka Bari; waxaa lagu lagu dilay gudaha madaarka Galkacyo labo sarkaal ajnabi ah (U.K. iyo France) oo ka tirsanaa shaqaalaha Qaramada Midoobay (UNODC), dhacdadaasi oo sumcad xumo usoo jiiday Puntland xilli uu Madaxweyne Gaas booqanayay Galkacyo.

·       Ciidamada Daraawishta Puntland oo ka cabanaya mushaar la’aan ayaa gadood ka sameeyey Garowe iyo Boosaaso, sidii arrintii ka dhacday Xarunta 54-aad (July 3, 2014).

·       Maamulka Somaliland wuxuu laba jibaaray daandaansiga iyo colaadeynta uu ka wado gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn, sidda booqashadii uu Madaxweynaha Somaliland ku tagay Laas Qorey (March 16, 2014); weerarkii ay Ciidanka Somaliland ku qabsadeen magaalada Taleex (April 15, 2014) iyo deegaanka Saax-dheer (August 28, 2014).

·       September 22, 2014 – Maamulka Galmudug wuxuu ku hanjabay inuu xiri doono madaarka Galkacyo, arrintaas oo khalkhalgalisay xasiloonidda Gobolka Mudug, iyadoo ay xusid mudan tahay in xaaladaasi lagu qaboojiyay dadaal, wadahadal iyo nabad jeceylka labada dhinac ee walaalaha ah ee Puntland iyo Galmudug.

·       Waxaan soo jeedinayaa in dib u eegis lagu sameeyo qaar ka mid ah maxaabiistii qaab cafis ah oo looga soo daayey xabsiyadda oo qaarkood lagu tuhunsanaa dambiyo waawayn, si loo mariyo nidaamka Garsoorka.

Xaaladda Dhaqaalaha

·       Guud ahaan, waxaa jirta hoos u dhac dhaqaale oo soo jiitamayay muddooyinkii dambe, waxaana munaasab ah in la xoojiyo wadashaqaynta iyo iskaashiga Dowladda, ganacsatada iyo shacabka.

·       Waxaa jirta hoos u dhac dhanka miisaaniyadda Puntland, wuxuuna Wasiirka Maaliyadda ka hor sheegay Golaha Wakiiladda Puntland (July 2014) inuu jiro hoos u dhacaas.

·       Waxaa soo muuqanaysa sidda habacsanaanta dhanka maamulka maaliyadda iyo musuqmaasuqa ay qeyb uga yihiin hoos u dhaca miisaaniyadda, waxaana waajib ah in la dhowro hantida dadka iyo dalka.

·       Sidoo kale, waxaa muuqata hoos u dhaca ganacsiga guud ee Puntland, iyadoo la ogsoonyahay inuu sii balaaranayo tartanka dhaqaalaha Somaliya iyo mandaqada Geeska Afrika. Tusaale ahaan, waxaa hoos u dhacay wax dhoofinta (export) waxaana kor u kacay wax keenista (import) ee Puntland, waana arrin halis ku ah dhaqaalaha dalka, danyarta iyo shacabka guud ahaan.

·       Xukuumadda waxay faragelin ku samaysay Rugta Ganacsiga Puntland, arrintaas oo saamayn ku yeelan karta xiriirka Dowladda iyo ganacsatada Puntland.

Mashaariicda Horumarineed

·       Waanu soo dhaweynaynaa doorka Xukuumadda iyo heshiiskii (August 4, 2014) dhismaha madaarka Boosaaso oo dhexmaray heyadda UNOPS iyo shirkad China ah; sidoo kale, dhismaha madaarka Garowe meel wanaagsan ayuu marayaa waxaana fulinta wadda hey’adda Kuwait Fund oo taageero ka halaysa Xukuumadda iyo shacabka. Labadaas mashruuc waxaa bilawday Xukuumaddii horre oo aan Wasiir ka ahaa.

·       Anigu waxaan qaadanaya doorkeyga, dadka ila fikirka ahna waan ku dhiirigalinayaa doorkooda, waxaana si guud ugu baaqayaa Xukuumadda iyo shacabka Puntland in si wadajir ah looga wada shaqeeyo nabadda, cadaaladda, midnimada iyo hirgalinta mashaariicda horumarineed, sababtoo ah dhaqaaluhu wuxuu saldhig u yahay nolosha bulshada. Mas’uuliyiinta dowladda waa inay ka foogaadaan carqaladeyn nooc kasta ha ahaatee, dadka iyo dalkana ugu shaqeeyaan daacadnimo iyo hufnaan.

Xiriirka Federaalka

·       Xukuumadii hore waxay xiriirka u jartay Dowladda Federaalka bishii August 2013, go’aankaas oo mabda’iyan ku salaysnaa 3-qodob oo muhiim ah. Intuu dadku ogaa, xiriirkaasi wuu jarnaa, hasayeeshee July 31, 2014, Madaxweyne Gaas wuxuu sheegay in Xukuumadda Puntland ay xiriirka u jartay Dowladda Federaalka, ka dib markii lagu dhawaaqay qorshaha maamul u samaynta gobollada dhexe (Koonfurta Mudug iyo Galgaduud). Mabda’iyan maamul cusub oo loo sameeyo gobollada dhexe waxay qeyb ka tahay hirgalinta nidaamka federaalka Somaliya, waxana dhismi kara maamul wadashaqeyn (partner administration) la yeesha Puntland.

·       August 20, 2014 – Xukuumadda Puntland iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka waxay soo saareen baaq ay ku mucaaradayaan qorshaha maamul u samaynta gobollada dhexe, waxaana lagu baaqay in la furo wadahadal dhexmara Puntland iyo Dowladda Federaalka.

·       September 21, 2014 –Xukuumadda Federaalku waxa kasoo baxay qoraal lagu caddeeyey inuu wadahadal hoose ka dhaxeeyo Puntland iyo Muqdisho, wadahadal toos ahna lala furi doono Puntland laakin lama caddayn goobta iyo wakhtiga loo qorsheeyey kulankaas. Dowlada Puntland waxaa waajib ka saaran yahay la tashiga iyo wargelinta shacabkeeda markii uu jiro wadahadal ku saabsan masiirka iyo mustaqbalka dadka.

·       Siyaasadaha iskhilaafsan waxaa ka mid ah in Puntland ay Muqdisho (September 27, 2014) u dirtay 20-Agaasime oo ka qeybgalaya shir ay qabanqaabisay Wasaaradda Qorsheynta ee D.F. iyadoo uu xiriirku jaranyahay, shirkaas oo ku saabsan arrimaha “New Deal” oo horre loo qorsheeyey inay Puntland qeybteeda toos u hesho. Maxay tahay sababta rasmiga ah oo Agaasimeyaasha loogu diray shirka Muqdisho?

Siyaasadda Arrimaha Gudaha: Xukuumadda Madaxweyne Gaas…

·       Ma aysan caddayn qorshaheeda kaga aadan dib u furidda nidaamka xisbiyadda badan ee Puntland.

·       Mowqif cad kama qaadan siyaasadda kaga wajahan Dowladda Federaalka iyo Somaliland;

·       Waxay ka gaabisay xallinta khilaafaadka iyo muranka beelaha, arrintaas oo soo cusboonaysiisay dagaal beeleedyo ka dhacay gobollada dalka qaarkood.

·       Waxaanu soo dhaweynaynaa dib u eegista ay Xukuumaddu ku bilawday shaqaalaha Dowladda, laakin waxaan ka digayaa ugaarsiga aan sharciga iyo xikmada lahayn oo lagu waddo shaqaalaha rayidka iyo saraakiisha amniga ee Dowladda Puntland, iyadoo shaqo abuur loo samaynayo dad la fikir ah Xukuumadda.

Hadaba, waxaanu Xukuumada iyo shacabka usoo jeedinaynaa arrimaha hoos ku xusan (Recommendations):

1.     Xoojinta amniga iyo wadashaqaynta bulshada si looga hortago amnidarrada;

2.     Horumarinta caddaaladda, arrimaha bulshada (waxbarashada, caafimaadka, dhaqanka, ciyaaraha, suugaanta IWM), midnimadda iyo isku xirnaanta dadka Puntland;

3.     Nidaaminta miisaaniyadda iyo canshuuraha iyadoo loo kaashanayo khuburro iyo ganacsatada;

4.     Xaqiijinta iyo hirgalinta mashaariicda horumarineed ee hadda socda iyo hirgalinta mashaariic cusub;

5.     Dib u bilaabidda nidaamka xisbiyadda badan;

6.     Dhisidda Xukuumad kooban oo tayo leh iyo horumarinta hey’adaha Dowliga ah;

7.     Furida shirar wadatashi, si looga arrinsado arrimaha kala duwan oo kor ku xusan;

8.     Hirgalinta siyaasad cad ee kaga wajahan Dowladda Federaalka, Maamulka Somaliland iyo nidaamka federaalka guud ahaan, si Puntland u ilaashato danaheeda una hesho xuquuqdeeda;

9.     Horumarinta xiriirka dalalka deriska iyo Beesha Caalamka;

10.  Baahinta maamulka si adeegyadda bulshada iyo mashaariicda horumarineed u gaaraan gobollada iyo deegaanada, iyadoo qorshayaasha waxqabadka loo kaashanayo shacabka, waxgaradka iyo qurbejoogta.

Waxaan soo jeedinayaa (Baaqa Guud):

1.     In Xukuumad iyo shacab ahaanba gargaar loo fidiyo deegaanada ay abaartu saameysay ee Puntland iyo guud ahaan gobollada Somaliya. Deegaanaduu roobka ka da’ay waa ILAAHAY Mahadiis;

2.     In la adkeeyo nabadda, midnimadda iyo jiritaanka Puntland lana taageero walaalaheena Somalida, iyadoo loo marayo dariiqa dib u heshiisiinta, wadahadalka iyo wax-wadaagga; iyo

3.     In wadahadal lagu xaliyo khilaafka ka dhex aloosan madaxda Dowladda Federaalka Somaliya.

Wabillahi Towfiiq.

Khalif Ciise Mudan

Wasiirkii horre ee Wasaaradda Amniga ee Dowladda Puntland

Federal Alliance for Institutions and Democracy (FAID)
“Peace, Justice, Unity and Progress in Federal Republic of Somalia”
E-mail: faidorg@gmail.com
Xigasho: dunidaonline.com

Daabacaad: Puntlandes.com

About The Author