Sawiro: Masaajidkii Abu Bakar As Sadiiq ee Bursaalax oo u baahan caawimaadiina

Bursaalax: Allah mahadi ha ka gaartee waxaa meel aad fiican maraya dhismihii masaajidkii Abu-Bakar As-Sadiiq ee Magaalada Bursaalax Waxaad ka daawan kartaan sawirada shubkii lagu waday, oo si guul leh u dhammaaday – ALLAAH SWT ayaa mahad ballaaran iska leh. Walaalaha ka shaqeeyeyna, waxaan ALLAAH SWT uga baryeynaa cimri cibaado leh, caafimad buuxa iyo dambi dhaaf iyo Janno.

 

Walalayaal, wallaan maalku sadaqada ku nuqsaamin eh yeynaan masaajidka dhsimihiisa ka harin. Walaalayaal Masaajidku wuxuu u baahan yahay caawimaadiina ee ku sadaqaysta o oka qaybqaata dhismaha masaajidka waxna la xa Allah hortiis.

 

Qalfoofkii sare ee dhismaha masaajidka ayaa dhammaaday, walise ma dhawa oo shaqo badan ayaa hartay. Walalayaal Aakhiro ayaa Adduunyadaan xun ka waarid badane ee aynu iyada xoogga saarno.

 

ALLAAH SWT khaatumo khayr iyo in Islaamka iyo jidka toosan nagu oofsado ayaannu waydiisannay – Aamiin Insha-ALLAAH.

 

Mahadsanidin.

Wassalaamu Calaykum Waraxmah.

 

Qofkii wax la baxaayow oo ku sadaqaysanaya allah hortiis rabana in uu ka qaybqaato dhismaha Masaajidkaas, fadlan, waxaad ku aadisaa cinwaanadaan hoose:

 

  1. Shiikh Muuse Yuusuf Xaaji, Tel. No. +25290-7799913 –

BurSaalax.

  1. Xasan Yaasiin Sugulle, Tel. No. +25290-7796988 – Boosaaso.

 Halkan ka daawo sawirada halka uu dhismaha masaajidka marayo iyo Raxmadii Allah oo ku hoortay Magaalada Bursaalax
438

439

440

441

442

443

444

445

446

447

448

449

 

About The Author