Golayaasha labada aqal oo lagu wado in Muqdisho maanta lagu dhaariyo.

December 15 2016 (Puntlandes)-Magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu wadaa inuu maanta ka furmo kulankii ugu horeeyey ee barlamaanka cusub ee Soomaaliya, kaasi oo lagu dhaarin doono barlmaaanka.

Madaxda Madasha Qaran ayaa Kulankii ugu dambeeyay ku Go’aamiyay in 15-ka Bishaan oo Maanta ah in la dhaariyo Xildhibaanada Labada Aqal ee la soo doortay.

Maamulada Puntland,Galmudug, Hirshabelle, Koofur Galbeed iyo Jubbaland ayaa soo Gaba gabeeyay Doorashadii ka socotay,iyadoo Magalaada Muqdisho lagu doortay 20 Kursi oo kamid ah Xildhibaanada Beelaha Gobolada Waqooyiga Soomaaliya ka soo jeeda iyo Kuraastii Reer Banaadiriga.

About The Author