OGAYSIIS JAALIYADA PDF EE DALKA NORWAY

Puntland diaspora forum.

Orgnr: 998204682.

Postbox 9151 Grönland, 0134, Oslo.

Waxaan si qadarin iyo xushmad ku jirto u ogaysiinaynaa dhamaan xubnaha jaaliyadda Puntland diaspora forum ee degan dalka Norway in uu dhacayo shirwaynihii ururka PDF. Shirwaynehaas oo looga tashanayo sida ugu haboon ee dib-uhabayn loogu samayn karo, laguna gaari karo hadafka aan tiigsanayno iyo doorasho guud.

Sidaad lasocotaanba waxaa jiray shaqsiyaad isku dayay in ay soo diyaariyaan doorsho laakiin khibrad la’aan awgeed ku guulaaysan waayay hawshaas. Taas oo sababtay in ay nidaabkii oo dhan ku saleeyaan hab beeleed aan marna qaban karin habka urur u shaqeeyo.

Markaas kadib ayaan samaynay isku dayo badan oo aan ku badbaadinayno sumcada, midnimada iyo jiritaanka jaaliyada reer puntland ee norway.Waxaa noo cadaatay wadada kaliya ee lagu gaari karo hadafkaas in ay tahay in laga tala galiyo hawsha ururka dhammaan xubnaha ururuka kuwaas oo ah cida kaliya ee xaqa u leh in ay badasho ama dib-uhabayn ku samayso gudiga jaaliyada.

Anagoo ah gudiga PDF waxaan ku casumaynaa dhamaan xubnaha ururka in ay ka soo qayb galaan shirwaynahaas. Shirwaynuhu wuxuu dhacayaa 12.10.2014.

Taarikhda: 12.10.2014.

Goobta: Olafiagangen 1-5 waa (boostada Grųnland korkeeda)

Maalinta: Axada

Waqtiga: 15:30

Waad mahadsan tihiin:

Gudiga Jaaliyada Puntland Diaspora Forum:

About The Author