Xildhibaanada Cusub Gobolka ee Mudug u matalaya DFS oo la kulmay Maamulka iyo waxgaradka Gobolka Mudug (Sawirro+warbixin)

17 dec 2016 (Puntlandes) Xildhibaan Saleebaan Maxmuud Xaashi (Xuub Sireed) iyo xildhibaanad Xaawo Yuusuf Axmed (Gaawe) ayaa soo gaaray magaaladda Gaalkacyo iyagoo isla markiiba kulamo la qaatay maamulka iyo hogaanka dhaqanka ee Gobolka Mudug, oo ay u matali doonaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanada oo kullan ballaaran ku qabtay hoolka shirarka ee Hotel Al-Jazeera, ayaa waxaaa ay maamulka iyo hogaanka dhaqanka ka dhagaysanaayeen, baahiyaha ugu waaweyn ee guud ahaan Gobolka Mudug, waxayna kullanka uga gol lahaayeen xog waran, kala war qaadasho iyo isbarasho.

Xildhibaan Saleebaan oo Munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in ay Matalayaan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, Gaar ahaan Puntland, Gobolka Mudug, waxaana uu xildhibaanku kasoo qayb galayaashii usoo bandhigay, fikirka ah in loo baahan yahay gudi la mid ah kuwii doortay, matalayana dhamaan Gobolka Mudug.

SAWIRRO.

sam_0701

sam_0703

xero-jaale-5

xero-jaale-6

xero-jaale-7

xero-jaale-8

xero-jaale-9

xero-jaale-10

xero-jaale-11

xero-jaale-12

xero-jaale-13

Puntlandes,com

 

About The Author