Xildhibaan Saleebaan & xildhibaanad Xaawo oo Kormeeray Goobaha Muhiimkau ah Bulshada Gaalkacyo (Sawirro+Warbixin)

17 dec 2016 (Puntlandes) Dhawaan ayay soo gab gabowday tartan adag oo ay galeen xubno u tar tamayey Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, hadaba Xildhibaan Saleebaan Maxmuud Xaashi (Xuub Sireed) iyo xildhibaanad Xaawo Yuusuf Axmed (Gaawe) oo ka mid ah Xildhibaanada Gobolka Mudug u matali doono Baarlamaanka JFS, ayaa maanta waxaa ay Kormeer kusoo mareen, qaybo ka tirsan xarumaha muhiimka ah ee magaalada Gaalkacyo iyagoo u kuurgalayey siday shaqadoodu u socoto.

Ugu horayntii ayey Xildhibaanadu kormeerkooda ka bilaabeen Isbitaalka weyna ee Gobolka Mudug oo ay ka socoto dib u Dhis ballaaran kadib markii uu ku burburay weerarkii qaraxa ay u adeegsatay oo ay kusoo qaaday Kooxda Alshabaab.

Xildhibaan Saleebaan iyo Xildhibaan Xaawo ayaa booqashadooda Isbitaalka kadib waxay booqasho ku tageen goobo kale oo muhiim ah oo ay ka mid yihiin Xarunta Dagmada Gaalkacyo iyo Dugsiga Sare ee Cumar Samantar.

Ujeedka socdaalkaan ayaa ahaa in ay Xildhibaanadu u kuur galaan xaaladda baahiyeed ee ka jirta goobahaan bulsha magaalada Gaalkacyo iyo Gobolka Mudugba muhiimka u ah, waxaana ay xog waraysteen qaar ka mid ah bulshada, Mas’uuliyiinta  iyo maamullka Dagmada, iyaga oo ardayda Cumar samantarna qaar kood soo xog waraysaty.

xildhibaanada ayaa booqday bukaanka isbitaalka, sidoo kalan soo maray dhamaan goobihii wax laga qabtay iyo kuwa haatan ladoonayo in wax laga qabto.

Maamulka Isbitaalka weyn ayaa ka codsaday in ay ka qayb qaataan sidii magaaladda Loogu heli lahaa Isbitaal weyn oo casri ah, kaas oo haatan ay socoto naqshadayntiisii iyo dhaqaale aruurintiisii, lana doonayo in khasaarihii isbitaalka gaaray loogu badalo Hormar iyo Qurux.

Sawirro.

sam_0733

sam_0729

sam_0728

sam_0725

sam_0724

sam_0723

sam_0718

sam_0715

sam_0714

sam_0712

sam_0711

sam_0710

sam_0707

Puntlandes.com

About The Author