Jaaliyada PL Filand oo qaadacay wareegtadii Madaxweyne Gaas

Shir ay isugu yimaadeen 04-tii bishan  Jaaliyadda Puntland ee Wadanka Filand magaalada Helsinki ayaa lagu qaadacay wareegto kazoo baxday xafiiska Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali “Gaas”oo uu ku magacaabay Wakiilka Puntland ee Filand.

Akhri Wareegtada dhalisay kacdoonka Jaaliyadda Filand.

453

Jaaliyadda oo shirkeedii ka soo saartey war murtiyeed ka waramaya xaqiiqda iyo khilaafka ka taagan amuurtaas ayaa ku sharaxday qoraalkan

Xoojinta Shaqada iyo Iskaashiga

  1. Isagoo awood xor ah (discretion) ka haysta Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa Wakiilka Dawladda Puntland ee Iskandinaaviya Dr Maxamed Cabdi Ismaaciil “Baydhabo” uu Mudane Cabdifataax Cabdullaahi Jaamac “Jannaggale” u soo magacaabay Wakiilka Dawladda Puntland ee Finland.
  2. Muddo gaaban ayay labada guddoomiye soo wada shaqeeyeen. Hawllo badan oo faa’ido lehna way soo wada qabteen. Waxaa ka dhex abuurantay kalsooni, is-aamminid iyo is-qaddarin.
  3. Guddoonka Guud ee DUPF wuxuu qiimeeyn weyn siiyey wada shaqeeynta hufan ee ku saleeysan waddaniyadda iyo walaalnimada ee ka dhexeeysa Wakiilka Dawladda Puntland ee Iskandinaaviya Dr Maxamed Cabdi Ismaaciil “Baydhabo” iyo Wakiilka Dawladda Puntland ee Finland, Cabdifataax Cabdullaahi Jaamac “Jannaggale”.

4.Waxay u aragtaa Jaaliyadda iyo Guddiga DUPF inay tahay mid midho wax-ku-ool leh dhalay howsha ay qabteen magacyada madaxda aanu kor kusoo sheegnay, waxaana rajaynaynaa inay xoojaysato wada shaqeyntaas si loo helo mustaqbalka dhow dallad guud oo ay ku midaysan yihiin dadka reer Puntland ee dalalka Iskandinaafiyaanka ku nool leeyihiin

Carqalada Soo Korortay

  1. Xubnaha Guddoonka Guud ee DUPF waxaa kedis iyo lamafilaan ku noqotay wareegtadii ee Xeer Madaxweyne Lr ahaa 131 oo soo baxday Bishii Sebtembar 24dii 2014ka, kuna saabsan magacaabidda Wakiilka Jaaliyadda Finland oo uu ku saxiixanyahay Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.
  2. DUPF oo ay xubin ka wada yihiin dhammaan intooda badan qaybaha kala dudduwan ee bulshada Reer Puntland ee Finland – dhallinyarada, haweenka iyo odayaasha – waxay go’aankaa madaxweynuhu u aragtaa mid carqalad ku ah midnimada, walaalnimada, wada shaqeeynta iyo is-kaashiga Puntlandida Finland deggan.
  3. Waxay kala dhantaallaysaa hawlihii wax-qabad oo ay DUPF ku mideeysnayd.
  4. Waxay meel-ka-dhac weyn ku tahay beesha Puntlland ku nool Filand oo aan lagala tashan arrinkaas.
  5. Sidoo kale waxay meel-ka-dhac iyo qiimadhac weyn ku tahay Dr Maxamed Cabdi Ismaaciil “Baydhabo” oo hawlihiisii iyo xilkiisii shaqo loo gacan dhaafay.

Haddaba Maxaa La Gudboon DUPF ?

  1. In go’aanka Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas uu yahay mid uu ku degdegey oo aan sinnaba dalladdu ugu cuntamayn;
  2. InDUPF ay Dr Maxamed Cabdi Ismaaciil “Baydhabo” ka raalliggelinayso sida hawlisii loogu gacandhaafay;
  3. In dalladdu dadaalkeedii waxqabad ee Puntland ku aaddanaa uu halkiisii ka sii socon doono;
  4. InDUPF ay garab iyo gaashaan dhinac taagantahay Mudane Cabdifataax Cabdullaahi Jaamac “Jannaggale”. Waxay ku dhiirrigelinaysaa in aanu ka niyadjebin oo hawlihiisii tabarruca ahaa uu sidoodii iyo si ka sii wanaagsan u guto.

 

 

452

451

450

 

Puntlandes.com

 

 

About The Author