Sawirro:-Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland oo Maalinkii Labaad Gaalkacyo ka wada Tirokoobida Ciidamada Booliska Gobalka Mudug

????????????????????????????????????

Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jen.C/qaadir Shire Faarax (Erag) oo Howlo Shaqo  iyo Tirakoobida Ciidamada Booliska Puntland u jooga Magaalada Gaalkacyo ayaa Maanta kormeeray  Saldhiga Miir,Xarunta Ciidamada SPU,kantaroolka Bari iyo Xarumo kale oo dhamaantood Ciidamadii jooogay  u tirokoobid ku sameeyay.

Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jen.C/qaadir Shire Faarax (Erag) ayaa inta uu ku guda jiray kormeerkiisa,waxaa uu  Tirakoobid ku sameeyay Ciidamada Booliska ee goobahaasi ka Howl-gala tirada ay yihiin iyo tayo ahaan inta ay gaarsiisan-yiin,Maadama aanan horay  Xog badan looga hayn.

Sidoo kale,Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jen.Erag ayaa Tiro-koobid ku sameeyay Ciidamada Booliska  Deegaanka Cagaaran Degmada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug,kuwaaso ka shaqeeya inta u dhaxaysa Gaalkacyo iyo Bacaadweyn ee Gobalka Mudug.

Dhinace kale,Taliyaha Ciidamda Booliska Puntland Jen.Erag ayaa Kulamo gaar ah la qaatey Maamulka Degmada Gaalkacyo,kan Gobalka Mudug,Saraakiishii hore ee Ciidamada Booliska Soomaaliya ee Howlgabka ah iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada,kuwaaso uu kala hadlay Xoojinta Amaanka Magaalada Gaalkacyo iyo in si wadajir ah loga qayb qaato.

Ugu Danbayntii Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jen Erag ayaa Xusay in ay socoto Xoojinta Xiriirka Booliska iyo Shacabka oo uga Mahadceliyay ALLE ka sokow Warbaahinta Puntland oo si weyn uga qayb-qaata Hormarka iyo Baahinta Wararka ka so baxa Taliska Booliska Puntland.

Si’kastaba ha ahaate Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jen. Erag ayaa Ciidamda Booliska  ka dhiiragaliyay sida ay bulshada reer Puntland ugu shaqeeyan,isagoona ku amaanay Howlaha ay hayaan kuna tilmaamay inay doorkoodii qaaten blse shacabka looga baahanyahay inay iyagana qaybtooda qaatan.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

Puntlandes.com

About The Author