Sawirro-Madaxweynaha dowladda Puntland oo casho sharaf u sameeyey labada aqal ee barlamaanka.

December, 23 2016 (Puntlandes)-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo hawlo shaqo u jooga magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa xalay kulan caasho sharaf ah ugu sameeyey magaalada Muqdhiso Xildhibaanada  labada aqal ee Puntland u metelaya baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha waxaa kulanka ku wehelinaayey Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, masuuliyiin ka mida goloyaasha Dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland iyo sidoo kale masuuliyin ka mida Dawlada fadaraalka.

Ugu horayn Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa cashada kadib la dar-daarmay xildhibaanada aqalka sare iyo kuwa golaha shacab ka ee Puntland u metelaya baarlamaanka Dawladda Fadaraalka Soomaaliya, waxaana uu ku booriyey  masuuliyada saaran iyo shaqooyinka baaxadaleh ee shacabkoodu ka sugayaan.

 ‘’waa xaqiiq waxa idin soo doortay shacabkinii waxaana ay idiin soo doorteen inaad ka shaqaysaan wax walba oo dan u ah horumarkooda, taana waxaad ku gaari kartaan idinkoo markasta xasuus naada masuuliyada iyo shaqada baaxada leh ee laydin ka sugayo, soomaaliya maanta waxay u baahan tahay wax sare uga qaada maanta halka ay joogto cida taa laga sugayaana waa idinka, Puntland feker kedii ahaa in maamul goboleed yada wax lagu soo doorto kumay khasaarin waayo maanta midhihii ka soo baxay waa idinka, waxan aamin sanahay inaad tihiin dad ka soo bixi kara masuliyada laydiin igmaday, waxaana idinkula dar-daarmayaa inaad markasta ka shaqaysaan masiirka ummadda Soomaliyeed,  waxaana ilalahay idiin waydiinayna inuu idin ku asturo masuuliyada laydiin igmaday’’ ayuu yidhi Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Sidoo kale waxaa uu madaxweynu ku adkeeyey xildhibaanada inay markasta ka feejignaadaan wax kasta oo carqaladayn kara jiritaanka dawladd nimo Soomaliyeed, isla markaana ay ahaadaan kuwo ka shaqeeya maslaxadda guud ee dalka Soomaaliya iyo tan Puntland ee ku dhisan horumarka iyo Soomaali jecaylka.

Ugu dambayn, Ugu dambayn,Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxa uu  kula dar-daarmay xubnaha aqalka sare iyo kuwa golaha shacabka ee Puntland u metelaya baarlamaanka Soomaaliya in ay ahaadaan kuwo tusaale wanaagsan u noqda guud ahaan baarlamaanka Soomaaliya.

–DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA WACYI-GELINTA HIDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.img_9627 img_9628 img_9631 img_9637 img_9639 img_9641 img_9649 img_9653 img_9656 img_9662 img_9663 img_9666 img_9669 img_9671 img_9673 img_9675 img_9677 img_9678 img_9687 img_9689 img_9693 img_9700 img_9720 img_9726 img_9730 img_9735 img_9738 img_9745 img_9756 img_9764

About The Author