Howlgalka AMISOM,”Askerigeena Laqabta waxa uu ka dhumay xerada”.

December, 23 2016 (Puntlandes)-Kadib markii ururka Al-shabaab ay sheegeen in ay gacanta ku dhigeen Askari ka tirsan Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM, ayna ku qabteen Howlgal gaar ah oo ka dhacay Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa AMISOM waxa ay ka hadashay arrintaasi.

War kooban oo lagu qoray barta Twitter-ka Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa waxaa lagu sheegay in Askarigaasi ka tirsan Ciidankooda uu ka lumay saldhiga Ciidanka AMISOM ee Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

AMISOM ayaa waxa ay sheegtay Askarigaasi in ay baadi goobayeen mudo, waxaana ay tilmaameen Saddex Kiilo Mittir meel ka baxsan in ay ka raadiyeen, laakiin ugu dambeyn ay waayeen.

AMISOM ma ay xaqiijin in Askarigaasi uu u gacan galay ururka Al-Shabaab, laakiin Shabaabka saraakiishooda waxa ay sheegeen Howlgal gaar ah oo ka dhacay Gobolka Shabeelaha Hoose in lagu soo qabtay Askariga, ayna u soo bandhigi doonaan saxaafadda.

About The Author