Xeer ilaaliyihii Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida Oo Boosaaso Lagu Diley iyo Raggii Dilay Oo Laqabtay.

December 25 2016 (Puntlandes)-Labo nin oo hubaysan ayaa magaalada Boosaaso kudishey AUN Xeer ilaaliyihii guud ee maxkamadda ciidamada qalabka sida Puntland Cabdikariim Xasan, xilli uu kusugnaa bartamaha magaalada.

233-3d5

Wararkii ugu dambeeyey ee aan helnay ayaa sheegaya in ciidanka ammaanku ay gacanta kudhigeen ragii ka dambeeyey dilkiisa iyadoona la rumaysan yahay inay ka dambeeyeen dilkii agaasimihii madaxtooyada Boosaaso.

Marxuumka ayaa ku geeryooday goobta Rasaasta lagula beegtay, waxaana dilkiisu uu qayb ka noqonayaa dilal taxane ahaa oo maalmihii ugu dambeeyay ka dhacayay magaalada Bosaso ee xarunta Gobolka Bari.

Waa dilkii sadexaad oo mudo 10 ciso ka yar loogu gaysto mas’uul ka tirsan ama u shaqaynayey dawlada Puntland:

  1. Taliye ku-xigeenka 3-aad ee Booliska Puntland G/Dhexe Jaamac Saxardiid Cabdi
  2. Agaasimihii Madaxtooyada Bosaso Aadan-Gaas Huruuse Yuusuf Canshuur
  3. Xeer Illaaliyaha guud ee Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Puntland Cabdikariin Xasan Firdhiye

Puntlandes.com

Lasoco faafaahin

About The Author