Sawirro-Muwaadinka Sanadka Maxamed Yuusuf Tigey Oo Shahaado Sharaf Lagu Doonsiiyey.

December 25 2016 (Puntlandes)-Ururka ay ku midaysan yihiin beeraleeyda Puntland oo kaashanaya wasaaradda beeraha iyo waraabka ee dowladda Puntland ayaa shahaado sharaf iyo bilad gudoonsiisey muwaadin Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey.

Ururka beerleeyda Puntland iyo wasaaradda beeraha iyo waraabka ayaa gudoomiyihii hore ee gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey u aqoonsiga shaqsiga sanadka ee Puntland.

Shahaada sharafta ayaa waxaa gudoonsiiyey muwaadinka wasiir kuxigeenka wasaaradda beeraha Siciido Xuseen Cali iyo gudoomiyaha beeraleeyda gobolka Nugaal.

Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey ayaa indhowaalahaan ka shaqaynayey horumarka dalka, wuxuuna hadda ku howlan yahay sidii gurmad loo gaarsiin lahaa dadka abaaruhu samaayeen.

SAWIRRO

img_0484 img_0485 img_0486 img_0487 img_0489 img_0495 img_0497 img_0499 img_0502 img_0503 img_0504 img_0505 img_0507

About The Author