Sawiro: Wasaaradda Beeraha Puntland oo Ku Eedaysay Hay’ada FOA in Abuur aan Ku Haboonayn Beeraha ay Keentay

26 dec 2016 (Puntlandes) Wasiir K/xigeenka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Puntland Siciido Xuseen Cali ayaa sheegtay in hay’adda Cuntada Aduunka ee FOA ay ku fashinlantay abuur Beereed ay u qaybisay Beerlayda Puntland, kuwasoo aan ku haboonayn in tabac ahaan dhulka lagu Beero.

Wasiirka oo kormeer indho indhayn ah ku maraysay qaar ka mid ahaa beeraha ku yaal Gobolka Bari ee Puntland, ayaa ku dhiirigalisay Beeralayda inay ku kalsoonaadaan Wasaaradda Beeraha, islamarkaana ay joojiyaan u hanqal taagida hay’adaha dalka ka howlgala.

“hay’adda FOA wax wadatashi ah kala samayn Wasaaradda Beeraha Puntland keenista Abuurkani kala duwan iyo in ay ku haboon yihiin dhul ahaan Puntland marka laga reebo in wasaradu hubisay miraahaan  tayo ahaan iyo in ay dhaceen iyo in kale” ayay tiri wasiir Siciido

Wasiiradu waxay kaloo ka hadashay baahiyaha gaar ah ee Beeralayda Puntland, iyado tilmaantay inay qabaan Baahiyo kala duwan oo u baahan wax ka qabasho dag dag, iyadoona tilmaantay in hay’aduhu aysan abaarin halka baahidu taal si gaar ah u soo qaadatay beerihii biyuhu qaateen ee ku yaalay dagmada isku shuban ee Gobalakaasi Bari.

Wasiirad Siciido  waxay ugu bishaaraysay Beeralayda Puntland ee doonaya beero tabcashadaba in ay wasaaradu keentay qalab casri ah oo lagu ogaanayo ciida iyo in ay ku habboon tahay beerashada, waxay kaloo ugu baaqay ganacsatadu inay ka qaybqataan kaalmaynta beeralayda Puntland

Qaar ka mid ah Beerlayda Puntland ayaa hore u sheegay in wasaaradda beeraha Puntland ay u qaybisay abuur aan ku haboonayn dhul beeroodkooda, taasina ay sababtay in sanadkan  dalagyo badan oo la filayay in beeraha ka soo go’aan ay xumaadeen ama intii la filayay aysan soo bixin.

Gababagadii, abuurka beeralayda Puntland ay isticmaalaana ayaa inta badan waxaa keen hay’adaha oo ka mid tahay hay’ada FOA, waxaa kaloo laga keena dalka dibadiisa oo si ganacsi ahaan loo keenaa, hase yeeshee lama hubiyo tayada abuurka beeraha ee dalka la keeno.
233-4a1a

233-4a2

233-4a3

233-4a4

233-4a5

233-4a6

233-4a7
Puntlandes.com

About The Author