Wasiirka Gaashaandhiga & Taliyaha Ciidanka Kenya oo Kismayo booqday

26 dec 2016 (Puntlandes) Wasiirka Gaashaandhiga ee dalka Kenya Raychelle Omamo iyo Taliyaha Ciidanka Kenya General Samson Mwathethe ayaa booqasho aan hore loo shaacin ku tagey Saldhig Milatari oo Ciidamada Kenya ay ku leeyihiin Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

233-4a

Mas’uuliyiintan ayaa kulan la qaatay Ciidamada Kenya ee qaybta ka ah Howlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM, waxaana ujeedka safarkooda lagu sheegay u kuurgelida xaaladda Ciidamada iyo weliba in ay xoojiyaan waajibaadkooda shaqo.

Puntlandes.com

About The Author