Xasan Sheekh oo ka Baaqday Dhaarintii Xildhibaanada cusub, Sabata!

27 dec 2016 (Puntlandes)  Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Musharax Xasan Sheekh ayaa maanta ka Baaqday Dhaarintii Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ka dhacday Iskuulka Booliska ee Gen Kaahiye.

223-2a2

Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay inay tahay ujeedada uu Xasan Sheekh uga baaqday Dhaarinta Boor isku qarin uu ku doonayo inuu ku muujiyo inuusan waxba kala socon Qorshaha Dhaarinta.

Xasan Sheekh ayaa Beesha Caalamku waxay ku haysataa labo Qodob oo kala ah:

  1. 18kii kursi ee ay Madashu ku kordhisay Aqalka Sare oo Dastuurku Qorayey inay ahaato 54 oo kaliya, laakiin uu doonayo inuu ka dhigo 72 kursi.
  2. Kuraasta ay Kooxda DAMUL JADIID boobtay oo ay Beesha Caalamku doonayso in Doorashadooda lagu noqdo laakiin uu diidan yahay Xasan Sheikh.

Maanta ayey Beesha Caalamku waxay soo saartay Qoraal ay ku cadaynayso diidmadeeda Xubnaha ay Kooxda DAMUL JADIID boobtay, halkan ka akhriso.

Isku soo duuboo Xasan Sheekh ayaa baaqashadiisa Dhaarintii Xildhibaanada cusub waxay Warbaahinta Puntlandes ku macnaysay “Yaan lagugu sawirin ee inkir…”

Puntlandes.com

About The Author