Gaalkacyo: Taxanaha Dhacdooyinka Ugubkaa ee Gobolka Mudug lagu arkay 2016 (Qaybtii 1aad+Sawirro)

Sanadka Gaba gabadaa ee 2016, Gobolka Mudug waxaa uu u ahaa Sanad ay ka dhecxeen dhacdooyin ugub ku ah gudaha gobolka, sidoo kale waxaa lagu arkay astaamo waaweyn oo aysan horay u arag dadka ku dhaqan gobolkaan.

Guud ahaan gobolka Mudug waxaa ka dhacay dhacdooyin taabtay dhinacyo badan, waxaa ka dhacay isbadal siyaasadeed, Mid dhaqaale, Mid amaan, mid caafimaad iyo mid dhaqan inta, waxaa intaas sii raacay misiibooyin dabiici ah.

War bixinteena waxaan u taaban doonaa Qodob qodob, iyada oo aan mid kasta kusoo qaadan doono Sawirro, Muuqaalo iyo Codad, inta u baahan in ay dadweynuhu ogaadaan.

Dadka Reer Gaalkacyo waxaa ay isku raacsanyihiin In sanadkaani ahaa “Sandkii Madoobaa”

  1. Siyaasadda.

Gobolka Mudug oo ah Qobol kala qaybsan, ayna ka wada jiraan laba maamul oo kawada tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, waa Puntland iyo Galmudug, waxaana uu mararbadan keenaa kala duwanaansho siyaasadeed oo saamaysa guud ahaan Gobolka, inkasta oo dhibaatada ugu badan ay ka dhacdo magaalo madaxda Gobolka ee Gaalkacyo.

July 4, 2016: Waxaa lakala diray golihii deegaanka Dagmada Gaalkacyo, iyada oo lagu eedeeyey is qab qabsi iyo xil gudasho la’aan, waxaa kale oo la mamnuucay in aysan golaha deegaanka Cusub ka mid noqon karin, maadaama ay xilkoodii Gudan waayeen, waxaana kusime Loodhiibay  Maxamuud Yaasiin Axmed (Tumey).

Dagmada Gaalkacyo waxaa loo gole deegaan oo hogaanka u qabtay dagmada, kuwaas oo dhamaantood ahaa dhalinyaro Da’ayar, waxaana ay Doorteed gudoomiye da’yar oo hogaanka magaaladda la wareegay.

July 23, 2016: Maxamuud Yaasiin Axmed (Tumey) ayaa loo doortay gudoomiyaha Dagmada Gaalkacyo, waxaa isna Sidoo kale Ladoortay kuxigeenka Duqa oo loodoortay Faraxaan Cabdi Gaafaa, waxaana ay xushay xoghaye isna dhalinyaro ah.

Duqa dagmada Gaalkacyo iyo Kuxigeenkiisa oo la dhaarinayo
Duqa dagmada Gaalkacyo iyo Kuxigeenkiisa oo la dhaarinayo

Tumay ayaa noqday Gudoomiyihii Ugu horeeyey ee kulan gaar ah la qaata Dhalinyarad Gaalkacyo.

Sawir guud Gudoomiyaha Dagmada oo sawir Xasuuseed la galay Dhalinyarad Gaalkacyo
Sawir guud Gudoomiyaha Dagmada oo sawir Xasuuseed la galay Dhalinyarad Gaalkacyo
Xafladdii Gudoomiyaha Dagmada iyo Dhalinyarada Gaalkacyo
Xafladdii Gudoomiyaha Dagmada iyo Dhalinyarada Gaalkacyo

July 04, 2016: Waxaa sidoo kale la badalay Gudoomiye ku xigeenada Gobolka Mudug, iyada oo madaxweynuhu uu sheegay in maamulka Gobolkuu shaqayn waayey, waxaana guddoome ku-xigeenka koowaad laga dhigay Maxamud Jamac Xirsi, halka ku-xigeen labaad loo magacaabay Maxamud Ciise Warsame

Maxamud Jamac Xirsi iyo Maxamud Ciise Warsame, labada gudoomiye kuxigeen ee Gobolka
Maxamud Jamac Xirsi iyo Maxamud Ciise Warsame, labada gudoomiye kuxigeen ee Gobolka Mudug

Tan iyi markii la aas aasay dowladda Puntland, waxaa markii ugu horaysay gobolka Mudug loosoo magacaabay Xisaabiyaha Maaliyadda Gobolka Mudug, kadib geerii Ilaahay ha u raxmee Marxuum C/raxmaan Yusuf  (Gaadayare), waxaana loo magacaabay Xasan Cabdulle Sanweyne.

Xisaabiyaha cusub oo xilkii la wareegaya Xasan Cabdulle Sanweyne.
Xisaabiyaha cusub maaliyadda Gobolka Mudug oo xilkii la wareegaya Xasan Cabdulle Sanweyne.

July 04, 2016: waxaa lasoo magacaabay Taliyaha Qaybta Gobolka Mudug, Taliyaha qaybta Booliiska gobolka Mudug ayaa loo magacaabay Gaashaanle dhexe Cabdiwaaxid Cabdulle Warsame, halka ku-xigeen looga dhigay Gaashaanle Cabdulqaadir Axmed Cumar.

Cabdiwaaxid Cabdulle Warsame, xilk booliska Gobolka la wareegaya la wareegaya
Cabdiwaaxid Cabdulle Warsame, xilk booliska Gobolka la wareegaya la wareegaya

 

Laso qaybta labaad oo aanu uga hadli doono dhacdooyinkii Amaanka ugu waaweynaa.

 

 

About The Author