Madashii oo Warkeedii Maanta soo Af-jarmay & Kuraastii ay ku dareen Aqalka Sare oo Barlamanku laalayo!

27 dec 2016 (Puntlandes) Waxaa manta oo ay taarikhdu tahay 27da dec 2016ka la dhaariyey Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka 10aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

233-4b5

Bilihii u dambeeyey ayaa Soomaaliya waxaa Sharciyadii go’aan gaarista Soomaaliya, daadihinta Doorashooyinka Soomaaliaya, Afduubtay madal loogu magic daray Madasha Hogaamiyayaasha Qaranka oo ay ka mid ahaayeen Madaxweynaha, Gudoomiyaha iyo Raysul wasaaraha  DFS  iyo madaxweynayaasha maamul Goboleedyada.

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Musharax Xasan Sheekh ayaa Gacan adag ku haye ama ku hagayey Madasha Hogaamiyayaasha Qaranka, iyadoo go’aamada kasoo baxaa ay mar kasta u danaynayeen isaga.

Hadaba manta Soomaaliya waxay yeelatay Baarlamaan ka kooban labo Aqal, kaasoo leh labo Gudoomiye oo ku meel gaar ah, iskuna diyaarinaya inuu Doorto maalmaha soo socda Gudoonkii labada Aqal iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sida ay ogaatay Warbaainta Puntlandes waxa uu Baarlaamka Soomaaliya laalayaa go’aan kasta oo ay Madashu gaartay o oka hor imaanaya Dastuurka Soomaaliya, waxaana ka mid ah go’aankii ay ugu kordhiyeen Kuraasta Aqalka Sare 18 kursi.

Puntlandes.com

About The Author