Midowga Africa oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey barlamaanka cusub.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Ambassador Francisco Caetano Madeira, ayaa u hambalyeeyay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu sheegay guul muhiim ah in laga gaaray kalfadhigii koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya.

“Tani waa tallaabo muhiim ah, kana mid ah safarada uu dalka Soomaaliya galayo, si loo helo  xasilooni siyaasadeed, dimuqraadiyad iyo maamul wanaag” Ayuu yiri Mr. Madeira.

Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika ayaa ammaanay Ciidamada Ammaanka Qaranka Soomaaliya iyo sidoo kale Ciidamada AMISOM, kuwaas oo si weyn u sugaya ammaanka, sidoo kalena ka hortagaya arbushaad dhacda xilliga Doorashada.

Ambassador Madeira ayaa soo hadal qaaday Doorashadii 2012-kii iyo midan 2016-ka, waxaana uu sheegay Doorashadan in ay tahay mid jideyneysa, korna u qaadeysa shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Ambassador Francisco Caetano Madeira ayaa waxa uu xubnaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee 10-aad ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan hormarka Dalka, adkeynta nabad waarta iyo xasiloonida, iyada oo loo marayo horumarinta qaab-dhismeed sharci ah.

——————–Dhammaad—————————-

About The Author