Deg deg: Itoobiya oo weerar kusoo qaaday deegaanka Xanan

????????????????????????????????????

28 dec 2016 (Puntlandes) Ciidan xuduudaha Itoobiya, ayaa maanta gudaha usoogalay xuduuda Soomaaliya, waxaana ay dileen Hal askari.

226-3-1

Ciidankaan ayaa ka carooday deegaanka xananyaale oo ay maalinkii shalay ahayd Dowladda Puntland, ka dhagax dhigtay ceelbiyood, saldhig ciidan iyo Xarun caafimaad, waxaana soo dhagax dhigay Gudoomiyaha Gobolka Mudug.

Sida ay warar hordhac ah sheegayaan, Hal qof ayey dileen ciidanka Itoobiya, waxaana ay latageen 3qof oo kale.

Ciidanka Itooboya ayaa marlabaad sooweeraray dadka shacabkaa ee deegaanka, waxaana halkaas ka biloiw dagaal sababay dhimasho labada dhinacba ah.

goob joogayaal ayaa noo sheegay in ay arkayeen uguyaraan 3kamid ah ciidanka Itoobiya oo Goobta yaala , wali waxaa la sheegayaa dagaal goos goos ah.

 

Lasoco wixii kasoo kordha.

About The Author