Faahfaahin: Ciidanka Lyu Booliska ee DDSI oo soo weeray Xaafadda Tuulo Xanan ee Dudun dadna ku laayey si ay u hor joogsadaan Horumarka Deegaanka

28 dec 2016 (Puntlandes) Deegaanka Dudun oo ka kooban laba qaybood oo ay qaybi tahay Soomaaliya qaybina tahay Itoobiya ayaa waxaa saaka soo weeraray  Ciidanka Lyu Booliska ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

9

Ciidanka Lyu Booliska ayaa waxay soo weerareen Xaafadda Tuulo Xanan ee Dudun oo ku taala Soomaaliya, halkaas oo ay shalay ka dhagax dhigtay dawlada Puntland Mashruuc Horumarineed oo ka kooban Ceel Biyood, MCH iyo Saldhig Booliis, Halkan ka akhriso.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay Warbaahinta Puntlandes ka heshay Deegaanka Dudun ayaa sheegaya inay Ciidanka Lyu Booliska ay saaka dileen Kaptan Burhaan Jolaqo oo xukumay Ciidan ilaalinayey Qalabka iyo goobta ay shaqada ka waday dawlada Puntland.

Kadibna waxay Ciidanka Lyu Booliska la wareegeen Xaafadda Tuulo Xanan ee Dudun, ee ku taala Soomaaliya, iyagoo sheegay inaysan ogolayn in Mashruuca dadka Deegaanka Nolosha u abuuray laga fuliyo Deegaankan.

Ciidanka Lyu Booliska oo ka baxay Xaafaddaas Barqadii maanta ayaa wax yar kadib waxay Duhurkii maanta dib usoo weerareen dadka Xaafadda Tuulo Xanan ee Dudun, kaasoo dhaliyey khasaaro dhimasho iyo dhaawac ba leh.

Weerarkaas waxay Ciidanka Lyu Booliska dadka Deegaanka uga dileen labo nin oo ay magacyadoodu nagu soo gaareen Ina Kala Gure iyo Galad Dhagaburo waxaa kaloo ku dhaawaceen hal nin.

Isugayn khasaaraha Deegaanka waxaa weeye 3 nin dhimasho iyo nin dhaawaca.

Deegaanka Dudun ayaa waxa uu Bursaalax uga began yahay Waqooyi Bari waxa uuna u jiraa qiyaastii 20km.

Warbaahinta Puntlandes ayaa waxay Xog ku heshay inay Gurmad Ciidanka Lyu Booliska ee DDSI uu kusoo wajahan yahay Dudun, iyagoo u socda inay Xasuuq gaystaan sidii Caadada u ahayd ee ay Soomaalida kale mid ba mar ku samayn jireen.

Warbaahinta Puntlandes oo la xiriirtay dadka Deegaanka ayaa waxay u sheegeen in Ciidanka Lyu Booliska ay Xasuuq ka gaysteen Xaafadda Tuulo Xanan ee Deegaanka Dudun, iyagoo ka shaqaynaya Horumarka Deegaanka oo kaliya.

Wixii war ah ee kusoo kordha kala soco Warbaahinta Puntlandes

Puntlandes.com

About The Author