Xaggee marayaa Shirkii nabadaynta Dudun ee Ethiopia ? Puntland?

29 dec 2016 (Puntlandes) Waxaa hadda  ka socda Dudun Tuulo Xanan Shir ballaaran oo ay kuwada jiraan Saraakiil Iyo madax ka kala socota Labada Dawladood Ee Puntland Iyo Ethiopia Ujeedka shirkaan ayaa ah in looga wadahadlo Dhacdadii Shalay ka dhacday Tuuladaas sidoo kale loo caddeeyo Qariiradda Rasmigaa Ee Dudun.

9

Waxaa goor dhawayd soo gabagaboobay intii uusan bilaan shirka Ethopia iyo Puntland shir gooni ah oo ay wada yeesheen Wafdigii Puntland Iyo Odoyaashii Iyo shacabkii Dudun gaar ahaan Tuulo Xanan waxaana kasoo baxay
1. In Wiilashii Ku Geeryooday Shalay Dudun Tuulo Xanan ahaayeen Muwaadinin Difaacanayey Calabkooda Iyo Ciidooda Gardarana lagu dilay.
2.In la Ogaado Hoostana laga Xariiqo Xuduuda Saxda ah Ee Ethiopia Iyo Somalia wakiilna ay katahay Dawladda Puntland.
3. In la xoojoyo Nabadgelyada Iyo xasiloonida tillaabo kasta oo keenaysa Colaadna la joojiyo.
4.In Masuuliyadda Dhibaatadii Shalay dhacday ay yeelan doonto cidii Xudduudeeda kasoo talowday.

Intaa kadib waxaa bilowday shire ay wada leeyihiin Wafdigii Dhanka Ethiopia iyo kan Puntland.

Wixii kaso baxa waan idiin soo gudbin doonaa Insha Allaah.

Puntlandes.com

About The Author