Jawaari oo maanta qado u samaynaya xildhibaanada Koofur Galbeed

30 dec 2016 (Puntlandes) Gudoomiyihii hore ee Barlamaanka JFS Prof, Maxamed Sheikh Osmaan Jawaari oo hada ah Musharax u taagan xilka Gudoomiyaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka JFS, (Golaha Shababka JFS, waa sida ay Prof. maskaxdiisa ugu sawiran tahye) ayaa maanta qado u samaynaya Xildhibaanada Koonfur Galbeed.

233-4c9
Jawaari ayaa iska diiday dalabkii ka yimid Madaxweynaha Koonfur Galbeed ahna musharax  madaxweyanaha Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh oo ahaa in Kursigaan aan la doonan madaama ay beeshu haamiinayso Kursigan mid ka sareeya maadaama ay mudo Xilkaas soo haysay, waxaase arinkaas diidmo ka muujiyey xildhibaanada aqalka hoose ee koonfur galbeed iyagoona ku tilmaamay in uu san shariif hayn qorshe uu madaxweyne ku noqon karo.
Prof. Jawaari waxaa meel u taala maxaad dhigatay oo ku dhito ahaa amase “Abaalna kuuma Erganee Aadan Yabaal usoo Aroor”, waxaase iska muuqata ama meeshaba iska taal in sida ay sheegeen Xildhibaanada kasoo jeeda Koonfur Gallbeed inuu Kursiga madaxweynenimada Soomaaliya uu aad uga fog yahay Shariif Xasan, hadaysan ahayn “Kursigaasaan Caashaqayeey” 
Puntlandes.com

About The Author