Rajadii Gudoonka Baarlamanka ee Xildhibaan Xidig oo Mugdiyowday

30 dec 2016 (Puntlandes) Maahmaah Soomaaliyeed oo Guun ah ayaa tiraahda “Mindiyi meel aan Xubin ahayn ma marto” waxaa la mid ah Qof wax aan soconayn raadsha sida Xildhibaan Xidig  oo doonaya inuu noqdo Gudoomiyaha Aqalka Hoose ee Baarlamanka JFS.
233-4d
Iyadoo la filayo dhawaan inay isa soo sharaxaan Xildhibaano badan oo ka soo jeeda Koonfur Galbeeduuna ka mid yahay Gudoomihii hore ee Baarlamanka JFS Jawaari, (Muhu mihii ma aha, sida aan kasoo xiganay Mudanayaasha Baarlamaanka JFS ee cusub) maalmaha soo socda, waxaana sii yaranaysaa rajadii Xildhibaan Xidig uu ka qabay inuu noqdo Gudoomihaya Aqalka Hoose ee Baarlamanka JFS, (In Xildhibaan Xidig lagu Sidko Kursiga Gudoomihaya Aqalka Hoose ee Baarlamanka JFS, maadaama aan horay loogu aqoon Kursigan inuu dhalo Daarood), arinkaas oo uu dhaqaale xad dhaaf ah la garab taagnaa madaxweynaha koonfur Galbeed Shariif Xasan
Qado ay isugu yimaadeen xildhibaanda ka soo jeeda Jubaland oo khadka telefoonka uga qayb galay Axmed madoobe ayeey si cad ugu sheegeen Xildhibaan xidig inuu ka tanaasulo olalaha uu ku doonayo inuu ku noqodo gudoonka baarlamaanka, balse arinkaas ayaa xildhibaan xidig si weyn ugu gacan sayray,
Waxaad moodaa inuu Jilayo Riwaadii Prof. galayr ee kal hore taasoo uu weel maran kala tagay Prof Galayr. Warbaahinta Puntlandes oo wax ka waydiisay Khabiir ka faalooda arimaha Soomaaliya ayaa waxa uu kusoo gaabiyey arinta Xidig inuu yahay nin aan wax ka waayaha ama taariikhda.
Puntlandes.com

About The Author