Sawirro: Puntland & Galmudug oo heshiis ay Joob-joog ka ahaayeen Madaxda D.F. S & Q.M Muqdisho ku gaaray

1 jan 2017 (Puntlandes) Dowlad gobolleedyada Puntland iyo Galmudug, ayaa heshiis saddex qodob ah ka gaaray colaadda ka taagan magaalada Gaalkacyo kaddib shir ka dhacay magaalada Muqdisho.

Shirka waxaa joob-joogeyaal ka ahaa Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Wakiilka Q.M u fadhiya Soomaaliya Michael Keating iyo Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada Puntland iyo Galmudug, iagoo madaxdaasi ay shir saxaafadeed qabteen shirka kaddib.

Sadexda Qodob ee la sheegay in ay ku Heshiiyeen Puntland iyo Galmudug ayaa ah:

  1. In isu socodka magaalada dib loo soo celiyo lana furo Gaadiidka Xaniban iyadoo Ciidamada la kala qaadayo
  2. In ciidammo Boliis isku dhaf ah magaalada la geeyo
  3. In Bisha Feberaayo kulan kale la isugu yimaado si looga hadlayo waxyaabaha ka dhaqan-galay qodobbada lagu heshiiyey

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa fursad weyn ku tilmaamay kulanka lagu soo afjarayey colaadda Gaalkacyo.

Madaxweynaha dowlad  gobolleedka Galmudug, C/kariim Xuseen Guuleed, ayaa  guul weyn ku tilmaamay in ciidammada la kala qaado, laguna dedaallo sidii looga wada qeyb-qaadan lahaa dhaqangelinta heshiiska saddexda qodob ah.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, ayaa sheegay in uu rajeynayo in aysan dib u soo laaban colaadda magaalada Gaalkacyo oo hab amni iyo mid siyaasadeedba lagu xalinayo.

Wakiilka Q.M u fadhiya Soomaaliya Michael Cheating, ayaa sheegay in Q.M ay go’an tahay in ay taageerto heshiiskaan colaadda lagu daminayo, shacabka labada dowlad goboleedna uu ugu baaqayo in ay u istaagaan dhaqangelinta nabadda Gaalkacyo.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha J. Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in sannadkaan cusub ee 2017-ka uu ku bilowdey maalin nabaddeed, waxa uu tilmaamay in Gaalkacyo ay Istaraatiiji u yahay dhaqaalaha Soomaaliya, muhiimna ay tahay in loo wada istaago in la  fuliyo heshiiska hadda la wada gaaray.

Heshiiskaan saddex qodob ah ee Colaadda Gaalkacyo lagu soo afjarayo ayaa haddii uu dhaqangalo bisha labaad ee sannadkaan  waxaa dhici doona kulan kale oo lagu eegayo waxyaabaha ka hirgalay iyo sidii loo sii wadi lahaa nabadda iyo xasiloonida magaalada gaalkacyo.

233-5a7

233-5a7a

233-5a7b
Puntlandes.com

About The Author