Gaalkacyo: Dhacdooyinkii amaanka ee Gobolka Mudug 2016kii (Qaybtii 2aad+Sawirro)

Taxanah dhacdooyinka Sanadkii 2016 ee Gobolka Mudug, waxaa uu ahaamid ay ku jiraan dhacdooyin badan oo ugub ah, kuwaas oo aan Gobolka Mudug laga aqoon, waxaa kale oo weheliya dhacdooyin ugub ku ah intii ay Puntland dhisnayd.

  1. Dhacdooyinka Amaanka

Gobolka Mudug waxaa ka dhacday Dhacdooyin amaanoo raad lama ilaawaan ah ku reebay dadka Mudug, waxaa soo maray dhacdooyin aan horay usoo marin, oo intooda badan ugub ahaa.

Dagaalkii Shabaabka: March, 14, 16. ayaa waxaa marsada Gaaracad waxaa kasoo dagay ciidamo sheegtay in ay ka tirsan yihiin Xarakada Al-shabaab, kuwaas oo wattay Doonyo yar yar iyo kuwo waaweyn, qaarkoodna ay ugudbeen marsada Garmaal ee dagmada Eyl.

Bishaan March waxaa ay Mudug unoqotay markii ugu horaysay ee lagasoo weeraro Xeebaha dhinac Puntland, waxaa kale oo ay noqotay markii ugu horaysay ee Gobolka Mudug dhinaca Puntland ay Al-shabaab Ciidan ah oo isku xirani ay cagaha soo dhigaan Gobolka Mudug, Waana markii ugu horaysay oo ay Reer Garacad Arkaan Al-shabaab iyo ciidankooda.

dhacdadaasi waxaa ay reer Mudug ku noqotay wax aan horay usoo marin, waxaana ay ku reebtay raad xasuuseed, waxaa ay dagaalkaas lagu laayey in kabaday 200 oo ciidankii Al-shabaab ah, waxaana lagu soo qabtay tiro ka badan 80 Al-shabaab ah, waxaa sidoo kale ku dhintay, in kabadan 20 askari iyo Dhaawac intaas ka ku dhow dhow.

14-1-1 5-4-1-2

March, 31, 2016: waxaa la dilay Saciid Cali Yusuf (Gaadayare) AHN, waxaana lagu dilay qarax ay masuuliyaddiisa qaadatay Al-shabaab, waxaa uu qaraxaasi sababay dhimasho iyo dhaawac dadbadan oo rayid ah.

qaraxa-gaalkacyo-ok1

April, 08, 2016: waxaa Gaalkacyo lagu dilay ilaahay Janno ha siiyee Marxuum Axmed Maxamed (Dhagaweyne) oo ka tirsanaa wasaaradda Amniga, waxaana dilay rag aan haybtooda lagaranayn, lama soohelin cidda ka danbaysa.

May, 07, 2016: waxaa la dilay Ilaahay Janno iyo Raxmo Hasiiyee Eng: Cumar Maxamed Cabdille Cumar, waxaa uu ahaa Maareeyaha Shirkadda Somtel ee Gobolka Mudug, waxaa uu ahaa Gudoomiyaha Ganacsatada Gobolka Mudug, waxaa uu ka mid ahaa Gudiyada Horumarinta oo kala gadisan, sida kan dib u dhiska Isbitaalka weyn, Gudiga masiibooyinka iyo gudiga Wadada Wadaagsin, waxaana uu ahaa xubnaha ugu fir fircoon dhinaca wanaaga ee Gobolka Mdug lagu xasuusto.

June, 09, 2016: Waxaa magaaladda Gaalkacyo lagu dilay Gudoomiyihii Ururka haweenka Gobolka Mudug AHN Dhidi Yusuf, oo la dilay iyada oo gurigeeda Joogta Xili ay isu diyaarisay Afurkii salaadii Maqrib ka dib, Ilaahay Janno iyo Raxmo hasiiyee waxaa ay ahayd, Hooyada ugu horaysa ee Gurmadta xiliyada masiibooyinka, iyo Mararka loobaahan yahay in bulshada la abaabulo, waxaana ay caan ku ahayd  Gurmadka iyo taakulada dadka dhibaataysan.

June, 21, 2016: waxaa habayn nimo lagu dilay Magaaladda Gaalkacyo Ilaahay ha u raxmee, marxuum C/laahi maxamed Faarax (Taba tabo), oo ka tirsanaa wasaaradda Qorshaynta, waxaana dilay rag aan haybtooda la aqoonsan, waxaana uu caan ku ahaa fududaynta iyo isku dubbaridka hawlaha hor marineed ee Gobolka.

June, 26, 2016: Waxaa magaaladda Gaalkacyo lagu dilay Xildhibaan ka tirsanaa Gobolaha deegaanka Dagmada Gaalkacyo Ilaahay Janno iyo Raxmo hasiiyee, Siciid Xayle, oo ay koox hubaysani oo aan Haytooda la aqoonsan, waxaa uu kamid ahaa Golaha deegaanka Xubnaha fara ku tiriskaa ee aadka u ilaaliya Hantida dadweynaha, raadiyana in la awdo dul duleelada, bulshadu tabanayso ee Muhiimkaa.

August, 21, 2016: waxaa ay Gaalkacyo u ahayd maalin madoow, waxaa Suuqa Dayax iyo Dowladda Hoosee, ka dhacay Qaraxii ugu xumaa ee abid ka dhaca, Mana ahayn mid qura ee wuxuu ahaa Qaraxyo isku xig xiga oo labo ah, waxaa uu galaafaty Nolosha in ka badan 20qof iyo dhaawac intaasi ka badan, waxaana uu saamayn kuyeeshay Quluubta dadka reer Gaalkacyo, Yar yar iyo waaweyn.

Qaraxaas waxaa uu shacabka tusay dadaalka ciidanka iyo khataraha ay uga gadaaman yihiin, kadib markii ay aad ugu dadaaleen sidii ay uga fogayn lahaayeen goobtii uu qaraxa Koowaad k adhacay, oo shaki badan laga qabay in uu qarax labaad, oo Ismiidaamis ama Ramuud ahi uu ka dhici karayo, sida markii labaad dhacday, oo galaafan lahaa ugu yaraan Boqolaal dad oo ubadan Ardayda Iskuulada Hoose iyo Dhexe oo meesha kusoo xoomay, maadaama ay ku beegnayd xiligii bareegana Iskuulada.

download

September, 28, 2016: Waxaa Koonfur Bari Gaalkacyo ka dhacay Duqayntii ugu horaysay ee ay gaystaan ciidamada Cirka Maraykanka ee Soomaaliya ka hawl gala, kuwaas oo ay sheegeen in ku bartilmaad meedsadeen Saraakiil ka tirsan Al-shabaab, ayna qaarkood ku laayeen.

Galmudug iyo Dowladda Federaalka ayaa labaduba sheegay in Ciidanka la laayey ay yihiin, kuwii Galmudug ee ka socday DF, waxaana ay danbiga dusha ka saareen Puntland, oo ay sheegeen in ay Maraykanka Adeegsatay iyadu, Waxaa meeshii ugu xumaa abid gaaray Xiriirka Labada Maamul ee Puntland iyo Galmudug.

duqeynta_galmudug

October 07, 2016: waxaa magaaladda Gaalkacyo ka qarxay dagaalkii ugu mudada dheeraa ee Gaalkacyo ka dhaca tan iyo Aas aaskii Dowladda Puntland, Dagaalkaan aya aka qarxay kadib markii ay Ciidanka Galmudug soo weerareen, dhismihii Sayladda Gaalkacyo oo ay Puntland ka biloowday Koonfur Galbeed Gaalkacyo.

Dagaalkaani waxaa uu sababay geeri iyo Dhaawac aan xisaab lahayn, waxaana uu barakiciyey 90% dadkii Rayidka ahaa ee Gaalkacyo ku dhaqnaa, walina waa uu taagan yahay oo saacad kasta ayaa dagaalku qarxi karaana, waxaana Asbuuc 3jeer uguyaraan dhaca iska hor imaad ka dhexeeya qaar ka mid ciidamada Puntland iyo Galmudug.

Marxaladdaan ayaa sababtay in Markii ugu horaysay Abid ay kala xiranto Puntland iyo Galmudug, waxaana istaagay dhamaan ganacsigii labada dhinac, iyada oo ay xoogaysattay Gaadiidka la dhacayo.

qarax-galkacyo-4

Dhacdooyinka Sida gaarkaa ucusub.

  1. Weerarkii Doonyahay ee Xeebta Garacad
  2. Qaraxyo labaa oo isku meel kadhaca
  3. Duqayntii Ameericanka ee Bariga Mudug.
  4. Ganacsiga iyo gaadiidka oo kala Xirma
  5. Tiradii ugu badnayn ee didlal qorshaysan oo isku bil dhaca.

Lasoco Raadkii sanadka Tagay ee Ganacsiga, Caafimaadka iyo Wax barashada.

About The Author