Daawo muuqaal dhamaystiran Musharax Shiikh Shariif ”Dowlada dalka ka jirta waa kaligii talis waxayna lunsadeen hantidii dalka”

2 jan 2017 (Puntlandes) Madaxweynihii hore ee DKG Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed oo kamid ah musharaxiinta Madaxweynaha oo shalay dalka dib ugu soo laabtay gaar ahaan magaalada Muqdisho ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay hoygiisa waxa uu dowladda xilligeedu uu dhamaaday ee uu Hogaamiyo Xasan Sheekh ku eedeeyey inay ku guul daraystay in ay la timaado isbedel macna leh oo la taaban karo haddii ay noqon lahayd dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dowlad wanaagga.
233-5a8
Shariif Sh. Axmed ayaa yiri “Dowladda xilligeeda uu dhamaaday waxay ka gaabisay wax ka qabashada arrimaha siyaasadda, amniga iyo bulshada”

Shariif Sh. Axmed ayaa yiri ” Waxaa jirta maah-maah carbed oo leh eeygaaga gaajeysii haku raacee, waxaana aaminsanahay in qorshaha madaxda dowladda inuu sidaasi ahaa” ayuu yiri  Shariif Sh Axmed oo intaasina raaciyay in lagu garan karo qaabkii foosha xumaa ee madaxdii dowladda ay u maamuleen doorashooyinbka xubnaha labada aqal ee dalka.

Daawo Muuqaal

Puntlandes.com

About The Author