”SENATOR” oo ah eray qalaad ma u heli karnaa eraybixin af-Soomaali asal ah oo ku habboon?

233-5c6

Jaalle Deeq Aw Hersi Hussein ayaa i soo weyddiiyay bal in aan eraybixin wanaagsan u raadin karo erayga magaca ah ee dhawaan shaqada billaabay ee ”Senator” si af Soomaali ku saxan loogu helo; anigu na aan abaalmarin dahab ah ugu guulaysto. Sidan ayaan iri ee fadlan, waa codsi e ila qaata, ila qaada oo ila faafiya. Ha i hagranina haddii aan guulaysto meel idin ka fog wax gayn mayo ee.

[Qormooyinkii hore ee inoo socday iyana waa aan sii wadayaa ee ka walwal la’aada inshaa Allaah].

Asalkeeda ba, erayga ”Senator” waa Laatiin asal ahaan waxa uu na ka sinji qabaa oo ka soo jeedaa Roomaankii hore. Waxa uu soo maray dhawr waji sida, ”Senex, Senat iyo senatus” oo ay ku micnayn jireen ”the elder”, ”the old one”, iyo ”old man” oo ”oday” ama ”duq” ah.

Dhawaanahan ayaa magacii is baddalay oo sawir la is la yaqaan iyo micne fadhiya yeeshay. Casrigan waxaa lagu micneeyaa ”Assembly of elders” oo ah ”Gole Guurti”.

Dawladaha sidan dambe u adeegsada ee dhaqan galiyay waxaa ka mid ah ugu na caansan dawladda Maraykanka (USA), Faransa, Itaaliya, Kanada, Ireland, Koonfur Afrika, iyo Australia.

Waa aqalka sare ee baarlamaanka waddamadaas kuwaas oo ah gole dawladda kala taliya arrimaha masiiriga ah, go’aan baaxad leh na gaari kara.

Dhawaan ayuu nidaamkani dalkeena ka hirgalay, sidaas darteed, waxaa la ma huraan noqotay in magacan ”Senator” eraybixin cuddoon oo afkeena ah loo helo. Hadda ba, waxa aan u dooray eraygan sare eray af Soomaali ah oo ku habboon -waa ”Samatar”!

”SENATOR” = SAMATAR

”Samatar” asal ahaan waa eray dhaqankii miyigeena ka yimid sida ”Mudane” oo kale. ”Mudane” waxaa la oran jiray ”ninka reerka leh ee aan la la wadaagin go’aanka reerka, gasabka ugu sarreeya, gogosha kaliyaate ee la koolkoosho, iwm”. Waxaa la oran jiray ”lagu ma fariisto gogosha mudaneha, lagu ma cuno cuntada weelka mudaneha, lagu ma cabbo biyaha weelka mudaneha iwm”. Taas micneheedu ma ahayn in laga cabsanayo ee waxa ay ahayd in la weynaynayo.

Soomaalidii hore oo dawladnimada dhisaysay ee reer magaalowday eraygii miyiga ee ”Mudane” ayay soo qaadeen oo reer magaaleeyeen deedna xubnaha baarlamanka u bixyeen: ”Mudane iyo Mudaneyaal”.

Waxaa la mid ah ”Nabaddoon, Samadoon, Caaqil, Xildhibaan ikk”.

Markaa ”Samatar” waa ”wanaag sameeye”. Waxaa uu eraygu ka kooban yahay ”Same(o)” iyo ”Tar(e)”.

Eraygani siyaabaha uu i su badbaddalayo bal u fiirto:

”Senator” = Samatar
”Senators” = Samartarro

Waxaa la oranayaa ”Halkan 1 ”Samatar” ayaa fadhiya”. Waxaa kale oo la oranayaa ”Halkan ”Samatarro” badan ayaa fadhiya”. ”Labo ama saddex ”Samatar” ayaa fadhiya” na waa la oran karayaa!

Dabeecad, muuqaal ama maqal kale oo labadan eray ee ”Senator” iyo ”Samatar” ka dhexeeyana waa iska muuqataa oo haddii ay adagtahay in magacan in badani taqaan oo caanka baxay ee ”Senator” laga guuro oo eray kale in lagu baddalo oo uu hir galo ay adag tahay, miyaanay fududayn in eray u dhaw oo afkeena ah looga digarogto? ”Senator” waa afkooda, ”Samatar” se waa afkeena, waa na isku micne.

Tusaaleyaal:

  1. ”Senator” waxa ay af Soomaali ku tahay ”Samatar”.
    2. Soomaaliya waxa ay leedahay 54 Samatar.
    3. Hal Samatar ayaa u codeeyay qorshehaas.
    4. Samatarro kor u dhaafaya 20 ayaa ka codeeyay.
    5. Ha loo yeero Samatarkii qorshehan hindisay.

233-5c6a

Qore Qoraa Cabdirisaaq Baraag

Xigasho: https://www.facebook.com/BaraagCabdirisaaq/posts/1261919957188689

About The Author