(Warbixin+Sawirro) Wasaaradda waxbarashada dowladda Puntland oo dugsiyo albaabada u laabtay kuwa kalena sharuudo ku xirtay jiritaankooda

Wafti Wasaarada Waxabarashada iyo Tacliinta sare ka tirsan oo uu hogaaminayo agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxabarashada iyo Tacliinta Sare, ayna ku waheliyaan Agaasimaha Waaxda Tayo- dhawrka iyo Kormeerka Guud iyo Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Nugaal ayaa safar kormeer gaaban oo qaatay labo maalmood (4tii – 5tii Jan, 2017,) ku tagay Degmada Buurtinle.

Safarkaas oo muhiimaddiisu ahayd u kuur galidda habsimi u socodka Waxbarashada Degmada Buurtinle, xalinta khilaafka soo kala dhex galay qaar ka mid ah dugsiyada degmada iyo Guddoomiyaha Waxbarshada Degmada, iyo isla markaana qiimyeynta iyo hubinta dugsiyo cusub oo sanad- dugsiyeedkan furamay iyo weliba sida ay u waafaqsiyihiin shuruudihii laga rabay marka dugsi cusub furmayo.
Guud ahaan waxbarshada Degmada ka socotaa waxay ahayd mid meel fiican maraysay, marka laga reebo dugsiyo dhawaan furmay oo dhamaantood buuxin waayey shurudihii laga rabay marka dugsi cusub la furayo.

Dugsiyadaas waxaa ka mid ah:

HoryaalØ
Al-FaatixØ
SalaamaØ
NasrudiinØ
BadrudiinØ
HorseedØ
HormuudØ

Guddigu wax yaalihii uu ku soo arkay dugsiyadaas waxaa ka muuqday caqabado fara badan oo wiiqaya waxbarashada,sida:- Iskuullo fara badan oo aan si qorsheysneyn loo furo iyada oo aan laga fakirin tayadooda, Macallimiinta deegaanka oo aan lagu dhiirigelin in ay hantaan mas’uuliyadda waxbarashada dalka, Goobaha waxbarashada qaarkood oo la furo iyada oo aan mararka qaarkood laga fakirin haboonaantooda xag caafimaad iyo xag waxbarsho toona.Ø
Iyadoo ay dhacdo in ardayda qaarkood la bootiyo ama la dedejiyo waxbarashadooda si aan waafaqsanayn nidaamka waxbarashada dalka.Ø Macalimiinta oo aan lahayn khibrad iyo tababar macalimnimoØ

Si hadaba loo baajiyo khaladaadkaas kor ku xusan, tayada waxbarashadana kor loogu qaado waxay guddigu iyagoo la tashanaya guud ahaan bulshada, gaar ahaan wax garadka iyo Maamulka Degmada Buurtinle go’aan dugsiyo ka mid ah dugsiyada Degmada.
Si gaar ah waxay Wasaaraddu halkan ku xusaysaa ciladaha iyo go’aamada la gaaray dugsiyadan kor ku xusan , waana sidan soo socota:

Dugsiyada Hoose/Dhexe ee Horyaal:

Cilladaha:
1- Kuma haboona goob waxbarasho sababta oo ah, dhismuhu waa guri ciriiri ah oo laba qol ah looguna talo galay deegaan.
2- Xaafadda dugsigani ku yaal waxaa ku yaal dugsiyo kale oo aad ugu dhow sida; Cumar binu Khadaab)
3- Macallimiinta wax ka dhiga dugsiga ma lahan tababar Macalinimo.

Go’aan
Dugsigani wuxuu ka soo bixi waayey shuruudihii diiwaan-galinta sidaas darteedØ

A) Laga bilaabo xilliga ay soo baxday wareegtadani, dugsigani waa xiran yahay, ardaydana waa in uu ku wareejiyo dugsiga ugu dhaw ee waalidku daneenaayo

Dugsiyada Hoose/ Dhexe sida:
Al-FaatixØ
SalaamaØ
NasrudiinØ
BadrudiinØ
HorseedØ

Cilladahooda:

1. Dugsiyadani kuma haboona goobo waxbarasho sababta oo ah, dhismeyaashoodu waa guryo ciriiri oo loogu talo galay deegaan.
2. Xaafadaha dugsiyadani ku yaaliin waxaa ku yaal dugsiyo kale oo aad ugu dhow oo deegaan waxbarasho rasmi ah leh)
3. Macallimiinta wax ka dhiga dugsiyadaan ma lahan tababar Macalinimo.

Go’aan
Dugsiyadan si ku meel-gaar ah ayay Wasaaraddu u aqoonsatay, waxaase lagu xiray shuruudaha soo socda:

A) Laga bilaabo xilliga ay soo baxday wareeg-tadani, mudo labo sanno guddohood ah oo ka bilaabanaya sanad dugsiyeedkan waa inay la yimaadaan kuna dhistaan dhul ku haboon dugsi, ayaga oo la kaashanaya wasaaradda waxbarashadda iyo Tacliinta Sare.
B) Dugsiyadani waxay ku eg yahiin heer (fasalka) 4aad muddo laba sanad-dugsiyeed ah oo ka bilaabaneysa sanadkan aan ku jirno
C) Ciddii shuruudahan buuxin wayda, ardayda dugsiyadan waxay Wasaaraddu u kula bedelaysaa dugsiyada kale ee leh deegaan ku haboon.
D) Ardayda ka sareysa Fasalka 4aad bedelkooda waa in loo gudbiyaa Guddoomiyaha Waxbarashada Degmada, si uu hubiyo, uguna bedelo dugsiga ay waalidku caruurtooda u dooraan.

Dugsiga Hormuud waxaa la faray inuu dhulka uu haysto hadda aanan ku habooneyn in halkaas laga dhiso dugsi maxaa yeelay waxaa aad ugu dhaw dugsiyo kale, sidaas darteed waa in ay dhul kale raadsadaan.

Go’aamada guud ee kale oo ay Wasaaraddu gaartay waxaa ka mid ah :

Dugsi cusub ha ahaado dugsi hoose,mid dhexe iyo mid sare toonna lagama furi karo Burtinle muddo laba sano dugsiyeed ahØ
Lama aqoonsan doono dugsi aan ku dhaqmin siyaadda, manaahijta iyo awaamiirta Wasaaradda Waxbarashada.Ø
Ogolaansho iyo diiwaan-galin waxaa la siin doonaa dugsigii buuxiya shuruudaha is- diiwaan-galinta.Ø
Maamulaha Dugsiga H/Dhexe ee Burtinle waxaa la siiyey digniin looga digay rabshad abuur looga soo horjeedo maamulka waxbarshadaØ
Dugsigii aan u hogaansamin awaamiirta iyo siyaasadda Waxbarasho eeØ
Wasaaradda waxaa lagala noqon doonaa ogolaanshaha gudashada adeegga waxbarasho ee uu hayo bulshada

Wada shaqeyn wacan

Mahadsanidiin

Maxamed C/qaadir Cusmaan

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta Sare.















Puntlandes.com

About The Author