Dhagayso: Khilaaf xoogan oo ka Taagan Baarlamaanka Galmudug

7 jan 2017 (Puntlandes) Guddoomiyaha Barlamaanka maamulka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa sheegay in muddo 45 cisho uu ugu kordhiyay Xildhibaanada maamulka Galmudug, oo fasax ay horey ugu jireen uu u soo dhamaaday.
233-6a7
Gudoomiyaha oo maanta Warbaahinta shir jaraa’id ugu qabtay magalaada Muqdisho ayaa tilmamay in sababaha uu waqtiga ugu kordhiyay ay tahay in dalka hadda uu galayo marxalad doorasho iyo abaaraha ka jira deegaanada Mamulka Galmudug.

Dhinaca kale, gudomiye ku xigeenka baarlamanka galmudug ayaa sheegay in kulan ay ku yeelan lahaayeen Cadaado maanta ay ka hor-istaageen Ciidamada madaaxtooyada Galmudug, wuxuuna caddeeyey in Mooshin xilka looga qaadayo uu ka yaal Guddoomiyaha Barlamaanka maamulka Galmudug Cali Gacal Casir.

Dhagay warbin ay VOA ka diyaarisay


Puntlandes.com

About The Author