Ganaaxii ugu horeeyey oo ay soosaareen Xirrirka Kubbadda Cagta Puntland (Akhriso wareegto)

Xiriirka Kubbadda cagta Puntland, ayaa markii ugu horaysay waxaa uu soosaaraay waraaq ay ku ganaaxayaan, mid ka mid ah, macalimiinta kooxaha heerka koowaad ee Puntland.

Macalinka kooxda Kubbadda cagta ee Horseed FC, oo huwan magaca ciidamada qalabka sida ee Dowladda Puntland, Mr. C/qadir maxamed Axmed (C/qadir New), ayaa laganaaxay 6bilood oo uu ka maqnaan doono garoomada iyo lacag $200 (labo boqol oo doolar ah).

Macalinka ayaa lagu eedeeyey in uu si khaldan u dhaqmay xiliyadii la qorshaynayey, isku dubbaridka kulankii iyo bandhigii Shalay, taas oo ay sheegeen in uu hanjabaado toos ah iyo habdhaqan aan wanaagsanayn ay kala kulmeen xiriirka iyo garsoorku intii lagu gudajiray kulankii shalay iyo bandhigii.

Akhriso waraaqda.

dacwad

About The Author