Akhriso C/kariim oo ku gacansayray Go’aankii uu Baarlamanka Galmudug Kalsoonida ugala noqday isaga

10 jan 2017 (Puntlandes) War-Saxaafadeed goordhaw kasoo baxay Madaxtooyada Maamulka Galmudug ayaa looga soo horjeestay Kalsooni kala noqoshadii Xildhibaanada Baarlaaanka Maamulka Galmudug maanta ku sameeyeen Cabdikariin Xuseen Guuleed.

175e

War kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Galmudug ayaa lagu sheegay mid sharci daro ah Go’aankiii ay Baarlamaanka maanta kalsoonida kala noqdeen Xildhibaanada Galmudug, waxaana lagu sheegay Warkan in aysan marnaba aqbaleyn waxii kasoo baxay Kalankii Baarlamaanka.

 

War- Saxaafadeedka kasoo baxay Galmudug ayaa u qornaa sida tan.

Dowlad Goboleedka Galmudug waa Dowlad Goboleed hay’ada heeda dowligaa ay ku dhisan yihiin sharci iyo dastuur ay sameysteen dadweynaha reer Galmudug.

Maamulka Galmudug wuxuu u taagan yahay inuu ixtiraamo kuna shaqeeyo sharciyaddaas iyo Dastuurka ay dadka reer Galmudug sameysteen, waxa kasocda Goobta Badbaado lagu magacaabo waa mid sharci darro ah kana baxsan Dastuurka Dowlad Goboleedka Galmudug, maxaa yeelay kalfadhi rasmi ah oo Baarlamaanku leeyahay oo furan majiro, sida kucad warmurtiyeedka uu soo saaray 5tii Jan, 2017.

Hadaba, waxaa u arkeynaa waxa maalmihii lasoo dhaafay ay wadaan qaar kamida xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ay tahay fawdo, sharci darro lagu sameynayo Dowlad Goboleedka Galmudug.

Hadaan nahay maamulka Galmudug ma aqbalayno mana aqbali doonno wax walba oo kasoo baxa Goobta lagu magacaabo Badbaado.

Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug

About The Author