Dhagayso: Baarlamanka Galmudug oo shaqada ka eryey C/kariim & isagoo Diiday Go’aanka Xildhibaanada

10 jan 2017 (Puntlandes) Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Cadaado kalsoonidii kala noqday Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariim Xuseen Guuleed .

233-6a7

Xildhibaanada Kalsoonida kala noqday C/kariim ayaa ahaa 54 mudane, waxana shirguddoominayey guddoomiye ku xigeenka baarlamanka Galmudug.

Dhagayso Xareed Cali Xareed Gudoomiye kuxigeenka Baarlamaankaas

Dhanka kale Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariim Xuseen Guuleed oo VOA waraysi siiyey ayaa sheegay in ay sharci darro tahay fadhiga xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ay maanta ku sheegeen inay isaga xilka uga qaadaan.

C/kariim ayaa ku dooday qiilna ka dhigtay in Baarlamaanka Galmudug ay fasax muddo 45 cisho ah siiyeen.

Dhagayso C/kariim


Puntlandes.com

About The Author