Daawo Sawirrada Safiirka Soomaaliya u fadhin doona Sweden oo Warqadihiisa Aqoonsiga Gudoonsiiyey Boqorka Sweden

13 Jan 2017 (Puntlandes) Safiirka Soomaaliya u fadhin doona Sweden Awale Ali Kullane ayaa shalay oo ay bishu ahayd 12ka Jan 2017 waxa uu Warqadihiisa Aqoonsiga Gudoonsiiyey Boqorka Sweden.

Safiir Awale ayaa waxaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyey Qasriga Boqortooyada dalka Sweden, wuxuuna noqonayaa safiirkii ugu horeeyey ee warqadihiisa uu Boqorka Sweden ka gudoomo tan iyo intii ay dhacday dawladii Milatariga ee uu hogaaminayey AUN Maxamed Siyaad

Warbaahinta Puntlandes waxay u hambalyeynaysaa guud ahaan Soomalida gaar ahaan Soomaalida dalka Sweden oo mar kale yeelanaysa Safiir dalkoodu matala, waxay kaloo si gaar ah ugu hambalyeynayaa Safiir Awale Ali Kullane xilkaas Sharafta huwan ee uu dalka iyo dadka Soomaaliyeed u hayo.

Daawo Sawirrada Safiirka Soomaaliya u fadhin doona Sweden oo Warqadihiisa Aqoonsiga Gudoonsiiyey Boqorka Sweden

233-7a5

233-7a3

233-7a4

233-7a2

233-7a 233-7a1

Puntlandes.com

About The Author