Hoyaalka Puntland iyo Ciyaarah galabta dhacaya oo xiiso badan

Horyaalka heerka koowaad ee Puntlan ayaa muddooyinkaan si xiiso badan uga soconayaa magaalooyinka waaweyn ee Puntland.

Kooxaha ayaa ciyaarahoodii labaad ciyaaray, halka qaar kalana ay haatan ciyaarayaan kulan koodii sadexaad, waxaana ay kulamada galabtu ka dhacayaa Boosaaso, Garoowe iyo Gaalkacyo.

Bari Fc Vs Qandho City: Ciyaartaan ayaa iyaduna xiiso badan, labada kooxood ayaa koox kastaa waxaa ay leedahay 3dhibcood, waxaana ay ciyaareed 2kulan, taas oo macnaheedu yahay in ay kulana badiyeen kulana laga dabiyey, inkasta oo ay kulamo lumiyeen misan hogaanka waay qaban kartaa kooxdii badisa oo tagta 6dhibcood.

Horseed Vs Garoowe City: Kulankaan waa kulanka Darbiga Garoowe, ciyaartaan waxaa ay ka dhacay Garoowe, waxaana ay kooxaha uleedahay xiiso Gaar ah, Kooxda Garoowe city waxaa haatan leh 1 dhibic, waxaana ay ciyaartay laba kulan, Halka Kooxda Horseed ay leedahay 3dhibcood iyo halkulan, Garoowe city ayaa guul laga rabaa, si rajo fiican uga yeelato horyaalka, Halka Horseed ay doonayso in ay Hogaanka Qabato oo ay 6 dhibcood tagto.

Comsed Vs Homboboro: Kulankaani waxaa uu ka dhacayaa Gaalkacyo, Waana kulan darbi ah oo u dhexeeya laba kooxood oo darbi ah, labada kooxood ayaa labaduba badin doonaya. Comsed ayaa laba kulan oo ay ciyaartay ka heshay 1 dhibic, in ay kulankaan guul ka gaarto ayaa muhiim u ah, si ay rajadooda hogaanka u xaqiijiyaan, Homboboro ayaa dhankeeda doonaysa in ay qabato hogaanka Horyaalka, maadaama ay kooxdu doonayso in ay muujiso awoodeed horyaalka, horay ayey u haysattay 3 dhibcood oo ay ka heshay kulankii koowad ee ciyaaraha.

Kulamadaan ayaa waxaa ay waji cusub u yeelayaan horyaalka Puntland, oo markii ugu horaysay ka furmaya Puntland.

 

 

About The Author