Cumar Cabdirashiid oo taageero badan ka dhex helay bulshada Soomaaliyeed

233-7d4

17 jan 2017 (Puntlandes) Taageerada uu helayo murashaxa madaxweynenimo ee Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’areka ayaa kor u sii kacaysa, iyadoo wakhtigaan loo saadaalinayo inuu yahay kan ku guulaysan doona tartanka madaxtinimada.

 

Cumar oo laba goor ka soo noqday raysal wasaare dowladda fedeeraalka Soomaaliya ayaa lagu yaqaan inta badan qunyar socodnimo oo isku dayo in uu fahmo dhamaan qaybaha is haya ee Soomaalida.

 

Wuxuu door muhiim ah ka soo qaatay in la dejiyo khilaafyada ummada ka dhex dhaca sida tan qabiilka iyo tan maamulada isagoo kalsooni u muujiyey dhinacyada iska soo horjeeda si ay khilaafkood xal nabadeed ugu helaan, taasoo uu ugu dambeeyey collaadii ka dhacday Gaalkacayo bilihii la soo dhaafay. Arrimahaan ayaa waxaa u sahlay isagoo ah nin degen isla markaana afgaaban, uusana ka qayb qaadan dagaaladii sokeeye.

 

Dadka u dhuun daloola arrimaha siyaasadda iyo ololaha doorashada ee hadda socda in uu fursadaha hadda haysto fursadaha ugu badan marka loo eego murashaxiinta, tanoo salka ku haysa qorshayaasha uu soo bandhigtay ee dhinaca hogaanka wadanka ah oo ay ugu horayso xasilooni siyaasadeed, tanoo ah baahida ugu balaaran ee hadda ay rabaan shacabka soomaaliyeed oo khaati ka taagan is haysadka madaxda ugu saraysa oo marna aysan wada shaqayni ka dhaxay tan iyo mudadii la dhisay dawladda federaalka 12 sano ka hor.

 

Qabaa’ilada kala duwan ee buslahda Soomaaliyeed markaad wax ka waydiiso arrimaha Cumar Cabdirashiid ayey kuu sheegayaan inaysan wax shaki ah oo badan ka qabin, isagoo aan looga baran hadallo xanaf leh oo dadka isku dira, ama damiirkooda dhaqajiya kuwaaso ku salaysan caadifad qabiil iyo mid danaysi siyaasadeed, taasoo siisay taageero badan ka dhex helay bulshada Soomaaliyeed

 

Taageerada uu helayo murashaxa madaxweynenimo ee Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’areka ayaa kor u sii kacaysa, iyadoo wakhtigaan loo saadaalinayo inuu yahay kan ku guulaysan doona tartanka madaxtinimada.

 

Cumar oo laba goor ka soo noqday raysal wasaare dowladda fedeeraalka Soomaaliya ayaa lagu yaqaan inta badan qunyar socodnimo oo isku dayo in uu fahmo dhamaan qaybaha is haya ee Soomaalida.

 

Wuxuu door muhiim ah ka soo qaatay in la yareeyo khilaafyada ummada ka dhex dhaca sida tan isku dhaca qabiilka iyo tan dhinaca maamulada, isagoo kalsooni u muujiyey dhinacyada iska soo horjeeda si ay khilaafkood xal nabadeed ugu helaan, taasoo uu ugu dambeeyey collaadii ka dhacday Gaalkacayo bilihii la soo dhaafay. Arrimahaan ayaa waxaa u sahlay isagoo ah nin degen isla markaana afgaaban, uusana ka qayb qaadan dagaaladii sokeeye.

 

Fursadaha hadda uu haysto ayaa lagu sheegay in salka ku hayaan qorshayaasha uu soo bandhigtay ee dhinaca hogaanka wadanka ah oo ay ugu horayso xasilooni siyaasadeed, tanoo ah baahida ugu balaaran ee hadda ay rabaan shacabka soomaaliyeed oo khaati ka taagan is haysadka madaxda ugu saraysa oo marna aysan wada shaqayni ka dhaxay tan iyo mudadii la dhisay dawladda federaalka 12 sano ka hor.

 

Qabaa’ilada kala duwan ee buslahda Soomaaliyeed markaad wax ka waydiiso arrimaha Cumar Cabdirashiid ayey kuu sheegayaan inaysan wax shaki ah oo badan ka qabin, isagoo aan looga baran hadallo xanaf leh oo dadka isku dira, ama damiirkooda dhaqajiya kuwaaso ku salaysan caadifad qabiil iyo mid danaysi siyaasadeed.

 

Wakhtigaan wuxuu kaalin firfircoon ka qaatay sidii bulshada calamku u fahmi lahayd Soomaaliyada cusub, ayna uga bixi lahayd go’doonka siyaasadeed, tanoo khibrad uu u leeyahay sida uu u shaqeeyo xiriirka calamiga ahi.

Dhinaca arrimaha bulshada ayaa waxaa uga qorshaysan sidii dadka Soomaaliyeed u higsan lahaayeen hanaan dawladnimo oo xalaal ah, iyagoo ka qayb noqonaya geedi socodka dawlad dhiska iyo dawlad wanaaga. Dadka la shaqeeyey waxay ku amaaneen siduu xil isaga saaro fududeynta hawlaha maamul ee hor yaal.

Aqoonta shariga iyo hanaanka dawladnimada ayaa sidoo kale ay ku sheegeen in hadduu ku guulaysto madaxtinimada ay dhamanayso is qab qabsi awoodeed oo dhex marta isaga iyo raysal wasaarihiisa, waana arrimaha dadku ku taageerayaan inuu qabto xilka madaxtinimada wadanka

 Puntlandes.com

About The Author