Dhagayaso:-Hooyada Dhashay Gar Dhawaan Degmada Goldogob Lagu Kufsaday Oo In La Caawiyo Codsatay

Hooyo Shukri Cabdulaahi Cabdiraxmaan oo ah Hooyada Dhashay Gabar 14 Jir ah oo dhawaan kooxa dhaliyaraa kufsadeen isla markaasina ka duubeen muuqaalo iyagoo kufsanaya sawirro na ka qaadeen kuna faafay baraha bulshada ayaa codsatay in la caawiyo.

Hooyo Shukri Cabdulaahi Cabdiraxmaan ayaa sheeegtay in gabdheeda si fool xun loo kufsaday ayna intii kale caruurta cabsi darteed wax barshadii uga hareen waxay xustay in mar la tuuryeeyay qoyskeeda loona han jabay howshan darteed.

Hooyo Shukri Cabdulaahi Cabdiraxmaan ayaa sheegtay in gabadheeda aysan garanayn sabata loo kufsaday ilaa hadana aysan cidna waxba u qaban laguna dabiiyo gabadha isbitaalka GMC ee magaalada Gaalkacyo waxay codsatay in la geeyo goob ay ku nabad gasho.

Gabadhaan 14 jirkaa ayaa waxaa kufsaday dhawan koox dhalin yaraa waxaana ay muuqaalo ka duubeen iyagoo kufsanaya jirdalaya islamarkaasina tooreyo la dhacaya waxaana muuqaalada ku faafen baraha bulshada iyadoona hada ay xiran yihin maxkamadana ku socoto dhalinyaradaas.

Hoos ka dhagayso

About The Author