Jaaliyada Jubaland ee Denmark oo shahaada sharaf gudoonsiisay madaxweynaha Jubalaand (sawirro)

17 jan 2017 (Puntlandes) Waxaa galabnimaddii Axadda ee 15-01.2017 shir wayne Isugu yimid Jaaliyadda Jubbaland ee Wadanka Denmark. Shirkaas oo Kadhacay Magaala madaxda 2aad ee Arhuse ayaa waxaa ujeedadiisu Ahayd Falanqayn ku saabsan Waxqabadkii sanadkii 2016 ee Madexwaynaha Dowlad Goboleedka Somaaliyeed ee Jubbaland Ahmed Mohamed Islam.

Shirkan oo ay kasoo qaygaleen Dhamaan qaybaha Bulshada ee Jaaliyadda Jubbaland ee Denmark ayaa dood dheer iyo Xog-waraysi badan kadib Waxaa Madexwayne Ahmed loo aqoonsaday inuu yahay Shaqsigga Sanadka 2016 ugu Waxqabadka iyo Hogaaminta Fiicnaa.

Waxaana Madexwaynaha Lagudoon siiyey Shahaado sharaf katurjumaysa waxqabadkiisa iyo Qaar kamid ah sababa loo cuskaday inuu noqdo Hogaamiyaha ugu wanaagsan ee sanadkii dhamaaday ee 2016. Waxaa aad dadka shirka Joogay isuu jiitay Markii laga sheekeeyey Doorkii dhaxalgalaka ahaa ee uu kaciyaaray Nabadayntii Garowe iyo Dhexdhexaadintii dhinacyadda Gaalkacayo. Sidoo kale waxay dadku aad uxuseen uhiilintii uu Madexwayne Ahmed u hiiliyey
Afka hooyo ee Soomaaliga markii shirkii Madasha Qaran kacodsaday in lagu hadlo afka Soomaaliga Madaama Somaliya iyo
Caasimaddii Qaranka lajoogo . Waxaa iyana arintaa lamid ahayd u hiilintii Midnimadda Qaran ee Soomaaliyeed markii shirkii Madasha qaran lagu qabtay Kismaayo ee Madaxwaynuhu amray in calanka qaran oo kaliya lasudho goobta lana joojiyo calamadda kale.
Waxaa intaa dheeraa oo aan halkan lagu soo koobi karin arimo badan oo uu madexwaynuhu kumutaystay Shahaado sharaftaas oo kaqabsoomay Gudaha Maamulkiisa Jubbaland .Tusaale ahaan Waxaa aad laysugu Raacay in Kismaanyo tahay Magaalo nabadeed oo dadkeedu heshiis yahay arintaasna ay timid kadib markii lahelay ciidamo amniga suga iyo Dib-ushiiseen hirgashay oo deegaanka ka dhacday.
Gabagabaddii waxaa shahaado sharaftaas u gudoomay Madexwsynaha Lataliyihiisa Arimaha Siyaasadda Mohamed Abdi Nur oo isagu goobta ku sugnaa.
1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

12a

13

14
Puntlandes.com

About The Author