Dhagayso:-Dowladda Puntland Oo joojisay gawaarida raashinka u qaada Buuraha Calmadow ee gobolka Sanaag

Dowladda Puntland ayaa joojisay gawaarida raashinka u qaada Buuraha Calmadow ee gobolka Sanaag waxaana jirta cabasho kasoo yeereysa dadka deegaankas ku dhaqan madama qaybo kamida buuraha ay kusoo hayaameen dad kasoo guurey meelo aad u fog fog.

Mursal Maxamuud Cabdi oo katirsan waxgaradka Calmadow ayaa waxaa uu sheegey inay dadka halkasi ku dhaqan la il daran yihiin xanuuno kala duwan oo ka dhashay abaaro aad u badan oo soo wajahay dadkaan oo hayaan dheer usoo galay buuraha cal madow roobab ka da,ay

Mursal waxaa uu sheegay tilaabadaan inay saameyn xoogan ku yeelatay kumanaan qoys reer guraa ah oo usoo hayaamay Calmadow oo kamid ah deegaamadii dhawaan roobku ka da’ay waxaana uu sii raaciyay in tilaabadan halis dadkaas ku tahay.

Hoos ka dhagayso

About The Author