Akhriso warmurtiyeed kasoo baxay musharixiintaa kasoo jeeda Galmudug kuna baaqay in la ixtiraamo Dastuurka Galmudug

18 jan 2017 (Puntlandes) Musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha ee kasoo jeeda maamul Galmudug ayaa ugu baaqayaa Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariim oo ay xilka ka qaadeen xildhibaanada Maamulkaas inuu u hogaansamo sharciyadeed.

175e

Akhriso War murtiyeedka.

JamhuuriyadaFederaalka

Soomaaliya

War Murtiyeed  Janaury 18, 2017

Bismillaah Raxmaani Rahiim

Anagoo ah Musharaxiinta Madaxweynaha ee hoos ku qoran ee kasoo jeeda Maamul Goboleedka Galmudug, waxaan halkaan kusoo gudbineynaa aragtideena kuaadan

Xasiloonidarrada iyo qal qalka siyaasadeed ee ka taagan xaruunta ku meel gaarka ee maamul Goboleedka Galmudug ee Cadaado.

1.Ugu horeyn, waxaan tacsi u direynaadhamaan eheladii dadkii ku geeriyooday iska hor imaadkii ka dhacay Cadaado.Waxaan xusuusineyna ciidamada Milaterga, Booliski, iyo Nabadsugidu in ay sugaan amaanka shacabka a ku nool gobolka iyo Caasimada gobolka kanawaantoobaan fulinta awaamiirta aan ku salaysaneedshuruucda Wadanka iyo Gobolka

2.Waxaan taageereynaa mowqifka odayaasha dhaqanka oo ugu baaqaymadaxdaMaamul Goboleedka in ay ixtiraamaan dastuurka Galmudug iyo xasilloonida gobolka.

3.Waxaa waajib ku ah madaxda Gobolku inayuhogaansamaanDastuurka Maamul Goboleedka,iyodanta guud ee muwaadiniinta ku nool Gobolka.

4.Waxaan ugu baaqeynaa Xidibaanada Federaalka ee

kasoo jeeda Galmudug in ay ixtiraamaan ku dhaqan Dastuurka Galmudug una tagnaadaan maslaxada shacabka ay metelaan iyo danaha Gobolka.

5.Waxaan ka codsaneynaa shacabka Galmudug in ay taageeran ku dhaqan Dastuurka Maamul GoboledkaGalmudug.

6.Waxaan mudaanan leh in la tix geliyo baahida shacabka Galmudug u qabaan horuumarka iyo nabadgelyada.

7.Waxaa Beesha Caalamka ugu baaqeynaa in ay tixgeliyaan Dastuurka iyo hab dhaqameedka Galmudug taageeraana go’aamada dastuuriga ah.

Mudane Maxamed Cabullaahi Farmaajo, Ra’iisulWasaarihi hore

1-Mudane Dr. Cabdinaasir Cabdulle Maxamed

2-Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur 3-Mudane Dr.   Maxamud M. Culusow

4-Mudane Jibriil Ibraahim Cabdulle

5-Mudane Cabdullaahi Cali Axmed

6-Mudne Eng Cabullaahi Cali Xasan

 

Puntlandes.com

About The Author