Sawirro: Guddoomiyaha Baarlamaanka qaabilay Safiirada Sacuudiga iyo Midowga Yurub ee Soomaaliya

18 jan 2017 (Puntlandes) Guddoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari  ayaa ugu horayn xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Veronique  Lorenzo, kaasi oo ay ka wada hadleen adkaynta xariirka   iyo iskaashiga ka dhaxeeya  Soomaaliya iyo Midowga yurub,  dhamaystirka xubnaha Barlamaanka iyo sidii kaalin muuqata ay kaga qadan lahaa Midowga Yurub gurmadka abaaraha ee lagu samata bixinayo dadka Soomaaliyeed.

Veronique  Lorenzo  danjira Midowga Yurub  ayaa guddoomiyaha  golaha shacabka ugu hambalyeeysay hanankii wanagsanaa ee ay u dhacday doorashada Guddoonka Barlamaanka, iyadoo xustay in  kalsooni wayn ay ku qabto in si wanaagsan barlamanaku uu u maarayn doono doorashadda Madaxweynaha dalka , inta ka horaysana la soo dhamaystiro xubnaha ka harsan Baarlamaanka.

Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Guddoomiyaha golaha shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa tilmaamay in dalka Soomaaliya ay ka  jirto abaaro saameeyey dad badan oo  reer miyi ah   marka laga yimaado ariimaha doorashooyinka Midowga  Yurubna looga bahan yahay in  gacan ku siyaan dowladda Soomaaliya siduu  Gurmad lagu samata bixinayo dadkaasi loogu samayn lahaa .

Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa dhinaca kale  kulan  is barasho iyo salaam ah  la yeeshay safiirka Cusub ee Dalka  boqortooyada Sacuudi Carabiya   Dr Maxamed Al Khayat, waxa ayna   ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xariirka  iyo iskaashiga walaalnimada ku dhisan ee ka dhaxeeya  Barlamaanada   labada dal iyo  sidii ay gacan  walaltinimo kaga gaysan lahaayeen dowladda Sacuudiga  abaaraha ka jira dalka Soomaaliya

Safiirka Cusub ee Dalka  boqortooyadda Sacuudi Carabiya Dr Maxamed Al Khayat ayaa   ugu horayn guddoomiyaha golaha shacabka Salaan uu kaga waday  boqorka Sacuugiga guddoonsiiyay,waxa uuna balan qaaday in uu ka shaqayn doono  sidii loo dhisi lahaa guddiiyo isku dhaf oo ka dhaxeeya Barlamaanada Sacuudiga iyo Soomaaliya,  dowladdiisuna ay gacan ka gaysan doono arrintaasi.

7

6

5

4

3

2

1

vlcsnap-2017-01-18-14h36m11s214

vlcsnap-2017-01-18-14h36m11s214

Puntlandes.com

About The Author