Tartanka Gudoomiye kuxigeenka 1aad oo labo Musharax isugu hareen wareega 3aad oo lagu kalabixi doono

22 jan 2017 (Puntlandes) Doorashada Gudoonka Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS oo iminka lagu guda jiro Doorashada Gudoomiye kuxigeenka 1aad ayaa waxaa labo Musharax isugu hareen wareega 3aad oo lagu kalabixi doono.

233-8a4

Wareega 2aad ayaa sadex Musharax waxay heleen codod isku mid ah kuwaaso ahaa sidatan:

1-Abshir Maxamed Axmed(Bukhaari) waxa uu helay 19 cod Cod
2-Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhagdheer) ayaa isna helay 17 Cod
7-Maxamud Axmed Maxamuud (Mashruuc) oo helay 16-Cod

Waxaana wareega sadexaad u gudbay Musharax Bukhaari iyo Musharax Dhagdheer

Puntlandes.com

About The Author