Dhagayso:-Boosaaso Kulan Dhexmaray masuuliyiin Dowladeed iyo Ganacsata Sarifka Lacagaha Qalaad

Kulankaan ayaa waxaa uu dhexeeyay masuuliyiinta dowlada heer degmo heer gobol wasiir xigeenka maaliyada dowlada Puntland iyo ganacsatada sarifka lacagaha qalaad waxaana lagu jaan gooyay sarifka lacagta doolarka oo aad u kacsanayd.

Duqa degmada boosaaso yaasiin mire ayaa sabab uga dhigay sara u kacaan lacago been abuura oo suuqyada boosaaso aad usoo galay kuwaasi oo qaybo kamida dowlada Ganacta ku dhigtay malinka biri ahna lagu gubayo dhawaana ciidamadu qabteen.

Qaar kamida ganacsata ayaa sheegey inay ku qanac san yihiin jaan goynta doolarka madama awal boqolka doolar gaarey saddex malyan halka doolarna sodon kun waxaana hada la gooyay qiime macquula oo dadka shacabkaa wax u taraya.

Hoos ka dhagayso

About The Author