Sawirro:-Wasaarada Caafimaadka Dowlada Puntland Oo Kuguulaysatay In Hay,ada MSF Shaqadeedii Puntland Dib U Bilowdo

Wasaarada caafimaadka dowlada Puntland ayaa waxaa ay mudo saddex sano ah kadib ku guulaysatay in hay,ada dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn inay shaqadeedii dib uga bilowdo xarumaha caafimaadka Puntland oo ay ka baxday 14 Augusto, 2013.

Cabdinaasir Cismaan Cuuke wasiirka caafimaadka dowlada Puntland iyo Guatam Chatterjee oo masuulka soomaliya u jooga MSF ayaa kulan ka dhacay xarunta wasaarada ee garowe waxaa ay kala saxiixdeen in markale ay shaqadii MSF ka bilaabato xarumaha caafimaadka Puntland.

Cabdinaasir Cismaan Cuuke wasiirka caafimaadka dowlada Puntland ayaa waxaa uu sheegey inay dadaal badan u galeen sidii ay MSF uga howl gali lahayd xarumaha caafimaadka dowlada Puntland madama ay bixin jidhay daryeel caafimaad oo bilaash ah.

Guatam Chatterjee oo masuulka soomaliya u jooga MSF ayaa xusey in hishiiskaan uu hordhac u yahay shaqadii Soomaaliya ay mar kale ka bilaabi lahaayeen ayna ka bilaabayaan shaqada isbitaalka guud ee gobolka Mudug oo Soomaaliya bartamaheda ku yaal.

Sawirrada Hoos ka daawo

received_1628737990475602 received_1628738030475598 received_1628738517142216 received_1628738583808876 received_1628738733808861 (1) received_1628738733808861 received_1628740287142039 received_1628740413808693 received_1628740570475344 received_1628741610475240 received_1628741837141884 received_1628741853808549 received_1628741877141880 received_1628742260475175 received_1628742323808502 received_1628742507141817 received_1628742607141807

About The Author