Daawo:-Dowlada Puntland Oo Shahaado Sharaf Gudoon Siisay Save the Children

Kulan lagu aqabtay aqalka madaxtooyada dowlada Puntland ee Garowe ayaa waxaa shaado sharaf la gudoon siiyay hay,ada save the chilren waxaana madaxweyne xigeenka dowlada Puntland C/xakiin cabdulaahi cumar uu shahaadada gudoonsiiyay  Hassan Nuur Agaasimaha Soomaaliya ee Hay,adda SAVE THE CHILDREN

Eng C/xakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar madaxweyne xigeenka dowlada Puntland ayaa sheegey in hay,adan ay shahaadada ku mutaysatay inay ahayd hay,adii ugu horeysay ee ka jawaabta baaqa dowlada ee ku aadana gurmadka abaraaha ee Puntland iyo dadka soo hayaamay.

Hassan Nuur Agaasimaha Soomaaliya ee Hay,adda SAVE THE CHILDREN  ayaa waxa uu sheegey in save the children ay wali sii wadayso marnaba aysan joojin doonin gurmadka ay u fidinayso dadka abaaruhu hayaan iyo kuwa soo hayamey ee puntland ku dhaqan.

Muuqaalka hoos ka daawo

About The Author