Sawirro:-Wasaaradda Waxabarashada iyo Tacliinta sare oo furtay Tababar ku saabsan Qiimaynta Buugagta Muqrarka.

Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare dowladda Puntland ayaa maanta qabatay Tababar ku saabasan sidii loo dajinlahaa habraaca qiimaynta Buugga  isla markana loo qiimayn lahaa buug dhamaystiran iyadoo laga eegayo dhinac kasta.

Tabbarkan ayaa  socon doono Mudo Saddex maalmood ah  kaas oo dabayaal  qoraalka buugaagta manhajka waxbarashada ee dugsiyada hoose/dhexe Puntland.

Waxaa Tababarkan  ka soo qayb  galay agaasimayaasha Waaxteeda yada kala  duwan ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare iyo  quburo Waxbarasho oo ka socotay iyo  wakiilada Wasaaradda waxbarashada, qeybaha bulsahda iyo hay’adda AET oo taageere dhaqaale ku bixisa mashruucaan Manahajka Waxbarashada.

Madaxa Hay’adda AET Maxamed Cali Waaberi ayaa sheegay barnaamijkaan inuu qeyb ka yahay mashruuc la yiraahdo manahajka Waxbarashada aas aasiga ah oo ay ka taageerayaan Wasaaradda waxbarashada.

Agaasimaha Waaxada Tayeynta iyo tayo dhowrka ahna kormeeraha guud ee Wasaardda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowlada Puntland Cabdulqaadir Yuusuf Nuux oo furay Tabarkan  ayaa sheegay dadka ka qeybgalaya Tabbarkan  inay saddexda  maalin diirada saari doonaan sixitaanka iyo talo ku darista buugagta manhajka, isagoo sheegay sanad dugsiyeedka soo socda  in dugsiyada hoose/dhexe lagu dhigidoono buugagta lana hirgalin doono.

Iyadoo diiradana lagu saarayo qiimayn lagu samaynayo  buuggaag dhamaystiran sida.

  • Luuqadda
  • Erayadda
  • Nuxurka casharka
  • Naqshada Buugga
  • Farta iyo qoraalka Buugga.

Qiimaynta buugga Waxay wax ka  taraysa in lagu saxo waxii khladaad ah.

                                                               Hoos ka Daawo Sawiardda

DSC01501-Copy-524x393 DSC01502-Copy-524x393 DSC01503-1-524x393 DSC01503-524x393 DSC01503-Copy-524x393 DSC01505-524x393 DSC01507-524x393 DSC01509-524x393 DSC01510-524x393 DSC01512-524x393 DSCF1216-524x393 DSCF1220-524x393

About The Author