Daawo-Dhagayso: Warbixino ku Saabsan Xannibaadda Socdaalka ee Maraykanka oo ay soomaalidu ku jirto

29 jan 2017 (Puntlandes) Dalkan Maraykanka ayaa wareegto uu soo saaray madaxweyne Donald Trump taasoo uu ku mamnuucay in Maraykanka ay yimaadaan qaxootiga iyo dadka ka soo jeeda 7 dal oo Somalia ku jirto.

232-5d1

Garsooraha ayaa amartay inaan la masaafurin dad haysta fiisaha ee lagu xidhay garoomada diyaaradaha Maraykanka ee ay ka soo dageen. Dadkaasi waxaa ku jirta gabadh Soomaali ah oo lagu xayiray garoon diyaaradeed oo u dhow magaalada Washington, iyadoo loo sheegay in dib loo celinayo.

Warbaahinta Puntlandes oo u kuur gashay ayaa ogaatay inuu go’aankan saamaynayo Soomaalida Yurub oo haysta labada dhalasho oo midi tahay Soomaalinimada. Wuxuu kaloo saamaynayaa go’aankani dadka Soomaaliyeed ee degen Maraykan oo aan haysan dhalashada Maraykanka, kuwaasoo iminka dibada uga maqan.

Dhagayso Warbixin faahfaahsan iyo siday Soomaalida u saamaysan oo ay VOA ka diyaarisay


Daawo Xildhibaanad Ilhan Omar oo ka hadashay go’aanka uu madaxweyne Trump ku mamnuucay dadka ay ka mid yihiin Soomaalidu

Puntlandes.com

About The Author