Dhagayso:- Garowe,Booliska Oo Beeniyay In La Bililiqaystay Goobo Ganacsi

Taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal Gaashaanle Sare Cabdirashiid Maxamuud Aw-xuseen oo ka hadlayay  banaan baxyo shalay ka dhacay garowe kuwaasi oo looga cabanayay qiimaha sarifka lacagaha qalaad ayna dhigayeen dhalinyaro caraysan ayuu taliyuhu beeniyay in la bililiqaystay goobo ganacsi.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal Gaashaanle Sare Cabdirashiid Maxamuud Aw-xuseen ayaa sheegey in shacabku ay sinabada ku banaan baxayeen amaankana ay sugayeen ciidamada amaanka aysana jirin wax xarun ganacsi oo la bililiqaystay.

Dhinaca kale taliyaha ayaa xusey in falalka amaanka ee yar yar sida tuugaysiga oo kale ay yihiin wax yar marka loo eego falalka amaanka lidiga ku ah ee ka dhaca dunida waxaa uu xusey inay kusoo afjari doonaan howlgalo ay fuliyaan kuwaasi oo mudo yar qaata.

Hoos ka dhagayo

About The Author