Dhegayso-Sawiro: Madawaynaha Khaatumo oo u hanjabay dawlada Puntland

Waxaa maanta Garoonka diyaaradaha ee magaalada Buuhoodle ka duuley Madaxwaynaha maamulka khaatumo Pro: Cali Khaliif Galayr oo fadhigiisu yahay Toga Ergo’an. Galayr ayaa Habaynkii xalay soo Gaadhay gudaha magaalada Buuhoodle.

Galayr ayaa safarkiisu sida uu sheegay ku wajahan yahay magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya isagoo sida uu yiri uga qayb galaya shir Feeraalka looga hadlayo ayna kasoo qayb galayaan DFS, ”maamulada ka jira Somalia ” iyo beesha Caalamak. Kadibna wxuu sii adayaa Xamar waa sida uu yiriye

Galayr ayaa wuxuu ka hadlay wax uu ugu yeeray faragelin ay dawlada Puntland  ku hayso taasoo ku aadan Xildhaanada kasoo Jeeda deeganada khaatumo State.

Galayr ayaa hanjabaadii ugu darnayd hawada u mariyey dawlada Puntland isagoo yiri ”hada wixii ka dambeeya waa qaniinyaa qaniinyo kaa fujisa”. Galayr uma uusan Hamjabin Somaliland ee wuxuu si Car oka muuqato ugu hanjabay dawlada Puntland.

Dhagayso Galayr

Sawiro
586

585

584

583

Puntlandes.com

About The Author