WARBIXIN+SAWIRO:- Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Gaarey Caasimada Dawladda Puntland Kana Hadlay Gunaanudka safrkiisii uu ku marayey gobolada Bari iyo Karkaar.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftidii balaadhanaa ee uu hogaaminayo  ayaa maanta 31 January 2017 si diiran loogu soo dhoweeyey Caasimada Dawladda Puntland ee garoowe iyo degmada dangorayo ee gobolka Nugaal.

Madaxweynaha Dawladda ayaa kulan is xog waraysi ah la qaatay maamulka degmada Dangorayo iyo waxgaradka degmadaasi, waxayna madaxweynaha uga warbixiyeen mudadii ay xilka hayeen golaha degaan ka degmada dangorayo waxyabihii u qabsoomay iyo wax qabadka ay tiigsanayaan mustaqbalka dhow,  intaasi ka dib Madaxweynaha ayaa soo kormeerey saldhiga ciidan degmada Dangorayo oo dhaan ay Dawladdu dhamaystirtay dhismihiisa.

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo lahaydlay maamulka degmada dangorayo iyo waxgaradka degmadaasi ayaa sheegay.

”golaha degaanka degmada dangorayo waxaan aad ugu amaanayaa sida wanaagsan ee ay uga dhexayso wada shaynta iyo sida ay u horumariyeen degmada iyo dhamaan degaanada hoos yimaada mudadii yarayd ee ay xilkaasi hayeen, waxaan idin ka rajaynaynaa inaad halkaa ka sii wadaan dedaalka iyo u heelanaanta aad yagleelka ugu jirtaan inaad horumarisaan degmada iyo dhamaan degaanada hoosyimaada” ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa si diiran logu soo dhoweeyey Caasimada Dawladda Puntland ee Garoowe waxaana soo dhoweynta Madaxweynaha iyo weftigiisa ka qayb qaalay Gudoomiyaha Baarlanaanka Dawladda Puntland Mudane Ahmed Cali Xaashi, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Dawlada Puntland, Maamulka degmada Garoowe, kan gobolka nugaal iyo shacabka magaalada Garoowe ee caasimada Dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo lahadlay warbaahinta ayaa ka warbxiyey safarkii dheerah ee uu ugu kuurgelayey wax ka ogaanshaha xaalada nololeed ee ay ku sugan yihiin ummada Soomaaliyeed ee ku soo hayaantay degaanada gobolada Bari iyo Karkaar iyo sidoo kale dadka degaanadaasi ku dhaqan.

”waxaan mudo todoba cisho ah ku maqnayn safar aanu wax kaga ogaanayneyney xalada ka jirta deganadii aanu soo marnay wixii anu awoodneyna waanu ugayney ee ku yimi isku tashiga Dawladda Puntland iyo shacabkeeda waxaana illahay uga baryayaa inuu umadiisa ushubo raxmadiisa kana saaro abaarta”  ayuu yiri madaxweynaha Dawladda Puntland.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Dawladda Puntland mudane Ahmed Cali Xaashi ayaa isna dhankiisa ku soo dhoweeyey madaxweynaha iyo weftigiisa caasimada Dawladda Puntladn isla markaana waxa uu ku tilmaamay safarka Madaxweynaha iyo weftigiisa mid guulweyn u soo hooyey sharafta Dawladda Puntland iyo shacabkeeda.

Ugu danbayn Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  ayaa ka hadlay doorashada Soomaaliya ee lagu dooran doono Madaxweynaha Soomaaliya 08 February 2017 waxaana uu madaxweynuhu illahay ka baryey in doorashu ku bilaabato kuna  dhamaado si nabad gelyo ah isla markaana ay ahaato mid horumar u horseeda Soomaaliya.
IMG_9119IMG_9121IMG_9131IMG_9135IMG_9161IMG_9166IMG_9167IMG_9173IMG_9176IMG_9178IMG_9180IMG_9184IMG_9187IMG_9196IMG_9198IMG_9203IMG_9210IMG_9220IMG_9227IMG_9229IMG_9234IMG_9236IMG_9243IMG_9251IMG_9264IMG_9266IMG_9268IMG_9272IMG_9276IMG_9278IMG_9282IMG_9286IMG_9288IMG_9295
IMG_9302IMG_9306IMG_9313IMG_9316IMG_9321IMG_9333IMG_9337IMG_9346IMG_9367IMG_9377IMG_9392IMG_9397IMG_9398

Puntlandes.com

 

About The Author